Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Boostada Soomaaliya oo booqday xafiiska IGAD ee Jabuuti

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
June 6, 2016
in Wararka
0
Wasiirka Boostada Soomaaliya oo booqday xafiiska IGAD ee Jabuuti
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Jamac Mursal (Geelle) oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa maanta galinkii hore ku booqdey Xafiiskiisa, Xoghayaha Guud ee urur Goboleedka IGAD Amb. Maxbuub Macalin Maxamed oo si diiran u soo dhaweeyey wasiirka iyo wafdigiisa.

Wasiir Geelle oo uu weheliyo agaasimaha Guud ee wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Axmed Xaaji Cabdi,ayaa soo dhaweyn ka dib waxuu Amb. Maxbuub uga mahadceliyay wasiirku inuu soo booqda Xafiiska IGAD isagoo wasiir ah.

Related posts

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025

” Waxaan ku faraxsanahay xilka cusub ee Geelle loo magacaabay isagoo urur goboleedka IGAD kala soo shaqeeyey la talinta dhanka Siyaasadda iyo sameynta maamul goboleedyada Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya way ku mahadsan tahay in garwaaqsatay dadka xirfadda leh iyo kartida iney u magacawdo Xilal wasiirnimo.” Ayuu yiri Amb. Maxbuub oo Xafiiskiisa kula hadlay saxaafadda.

Wasiirka ayaa isna dhankiisa u mahadceliyay urur goboleedka IGAD kaalinta ay ka qaadanayaan dib u dhiska Soomaaliya waxuuna wasiirku codsadey in IGAD ay wasaaradda ka caawiso hormarinta adeegga Isgaarsiinta casriga ee dalka Soomaaliya.

Previous Post

Kulan looga hadlayay Xanaanada Xoolaha oo lagu qabtay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo shir la qaatey dhiggiisa Jabuuti

Next Post
Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo shir la qaatey dhiggiisa Jabuuti

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta oo shir la qaatey dhiggiisa Jabuuti

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

Danjire Yuusuf Jeego oo kulan mira-dhal ah la qaatay Wasiirka Tacliinta Sare ee Algeria

July 15, 2025
0

Danjiraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya u fadhiya Dalka Algeria Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) ayaa maanta Kulan muhiim ah...

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

Shir muhiim ah oo ka dhacay Laascaanood

July 15, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Cali Yuusuf Cali-Xoosh, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Senator C/laahi...

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

Guddiga Amniga ee Aqalka Sare oo tababar u furay howlwadeennada Hay’adaha Amniga

July 15, 2025
0

Guddiga Amniga iyo Difaaca Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo qabanqaabiyay tababar loogu talagalay xoojinta fahamka guud...

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

Xuska afgembigii dhicisoobay ee Turkiga oo lagu qabtay Muqdisho

July 15, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi, Taliyaha Ciidanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In