Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayay xoojinta amniga oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka oo ahaa mid intiisa badan looga hadlayay xoojinta iyo wada shaqeynta ciidamada booliiska Federaalka ee ku sugan deegaannada dowlad gobaleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa maanta magaalada Gaalkacyo kuwada yeeshay qaar ka mida saraakiisha sar sare ee Ciidamada Booliiska dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland.

 

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026

Kulanka oo qaatay muddo saacada ah ayaa looga hadlay wada shaqeynta Ciidamada Booliiska Federaalka Soomaaliyeed ee ka howl gala deegaanada Galmudug iyo Puntland.

Shirka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta Qaranka si wadajir ah ugu horeyn ula hadlay Gaashaanle Sare Yuusuf Axmed Ciise Taliyaha Saldhiga dhexe Bari ee Boosaaso iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada booliiska Federaalka ee Galmudug Gaashaanle Sare Cabdi Jaamac Cabdulle Xabeeb oo sheegay in kulan diiradda lagu saaray ahmiyada ay u leedahay amniga iyo Nabad galyada, haddii la helo wadashaqeyn dhameystiran oo u dhaxeeysa  ciidamada booliska  ee ka howlgala Galmudug iyo Puntland, iyagoo dhanka kalana xusay in ay jirtay wada shaqeyn ka dhaxeeysay isla markaana keentay in dhowr jeer oo hore ciidamada booliiska ay qabteen dad falal danbiyeedyo ka soo galay deegaano kale oo lagu guuleystay in gacanta lagu dhigo.

Jenaraal Cabdicasiis Yuusuf Aadan (Dhaga badan) Taliayaha Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa isna sheegay in mar kasta ay kulama joogtaa yeelan doonaan saraakiisha ciidamada Booliiska labada Dowlad Gobaleed ee Puntland iyo Galmudug, waxaana uu xusay in bishiiba mar kulan ay isugu imaan doonaan saraakiisha ciidanka Booliiska si loo dar dargeliyo wada shaqeynta labada dhinac.

Inkastoo ay tahay markii u horeeysay oo kulan ceynkaan oo kala ah ay isugu yimaadaan saraakiisha ciidamada Booliska Federaalka ee ka howlgala deegaanada Dowlad Gobaleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa haddana waxaa kulankaan uu kusoo beegmayaa xilli mudooyinkii u danbeeyay ay jireen dadaalo la xariira dhanka iskaashiga amniga iyo Nabad galyada oo u dhaxeeya dowlad gobaleedyada Galmudug iyo Puntland.

W/Q: Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (C/risaaq Galkacyo)

 

Previous Post

Waxgaradka Balanbal iyo Guriceel oo ka heshiiyay colaado horey u dhacay

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Hay’adaha gargaarka kala hadashey kordhinta howlaha samafalka+sawirro

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo Hay’adaha gargaarka kala hadashey kordhinta howlaha samafalka+sawirro

Dowladda Soomaaliya oo Hay'adaha gargaarka kala hadashey kordhinta howlaha samafalka+sawirro

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐋𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐨𝐨 𝐢𝐬𝐥𝐚 𝐗𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧 𝐋𝐚 𝐒𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la xisaabtan iyo qiimeyn ku sameeyay Wasiirada Xukuumadda Dan Qaran....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In