Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayo qabya qoraalka Sharciga Doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho “Sawirro”

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Kulan looga hadlayo qabya qoraalka Sharciga Doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo inta uu soconayo  looga doodayo qabya qoraalka sharciga doorashooyinka qaranka waxa ka qeyb galaya sharci yaqaano, aqoonyahano iyo gudiga doorashooyinka, si ay uga tala bixiyaan nuuca doorasho ee Soomaaliya ku haboon marka la gaaro 2021 waxaana soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha Gudaha. Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa kulan ku soo bandhigtay daraasado ku saabsan nuuca doorasho ee ku haboon Soomaaliya waqtigaan

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026

Cabdinasir Xaaji Maxamed Agaasimaha Waaxda federaalka ee wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka iyo dib heshiisiinta ayaa ka hadlay daraasada ay  wasaaradu ka sameysay  nuuca doorasho ee ku haboon Soomaaliya.

“ waxaa la sameeyay nuuca doorasha ee dalka ku haboonm hadii ay noqon laheed nidaamka aqlabiyada badan,ama nidaamka saamiga dheelitiran iyo mid isku dhafan, waxa kale oo daraasad laga sameeyay nuuca deegaan doorasho ee ku haboon waqtigan waxaana garanay inay ku haboon tahay doorasho nuuceedu yahay nidaamka saamiga dheelitiran (proportional Representation)” Agaasime waaxda federaalka ayaa sidaa yiri

Xuseen Cabdi Aadan oo ah xubin ka mid ah gudigga doorashooyinka Qaranka talaabo muhiim ah ayuu ku tilmaamay in laga tala galiyo  dadka u ahalka qabya qoraalka sharciga doorashooyinka.

“ annaga inaan ka soo qeyb galno muhiim weeye waayo anaga marka la sameeyo sharcigaan fulintiisa leh, wasaaraduna waxay ku mahadsan tahay sida aan turxaanta laheen ee baraxa la’ ee marwalbaba ula tashanayaan dadka qeyb ahaan lugta ku leh iyo aqoonyahanada iyo dadka sharci yaqaanada ah” ayuu yire Xuseen Cabdi Aadan

Xoghayaha joogtada ah e wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta C/laahi Maxamuud Xasan (Azhari) uu furay kulanka waxa uu sheegay in wasaaradu  ay ka go’an tahay in la helo nidaam doorasho qaran oo loo dhan yahay,

“ maanta waxaan isugu nimid heykalka sharciga qabya qoraalka doorashooyinka inaad talo ka bixisaan, dhammaan qeybaha bulshadana waxaan rabnaa inay ra’yi ay ku lahaadaan sida ay wax u dhacayaan, sababtoo ah hadii aan la helin intaas oo dhan wax loo dhan yahay lama helaayo” ayuu yiri xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya

Kulankaan looga hadlayo qabya qoraalka sharciga doorashooyinka oo soconaya laba maalmood  ayaa qeyb ka ah dadaalada Qaran ee looga tashanayo nuuca doorasho ee ku haboon dalka iyo nidaamka loo marayo.

Cabdishakuur Cali Axmed

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo lakulmay Gudiyada joogtada ee Golaha Shacabka

Next Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo la kulmay Kooxda Kubadda cagta ee Gaadiidka “sawirro”

Next Post
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo la kulmay Kooxda Kubadda cagta ee Gaadiidka “sawirro”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo la kulmay Kooxda Kubadda cagta ee Gaadiidka "sawirro"

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

Munaasabad lagu abaal marinayey dad bulshadooda si hufan ugu adeegay oo lagu qabtay Canada

September 28, 2026
0

Magaalada Edmonton gobolka Alberta ee dalka Canada ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad aad u ballaaran oo ay kasoo qeybgaleen Aqoonyahanno...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In