Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan looga hadlayo qabya qoraalka Sharciga Doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho “Sawirro”

admin by admin
May 6, 2018
in Wararka
0
Kulan looga hadlayo qabya qoraalka Sharciga Doorashooyinka oo ka furmay Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankaan oo inta uu soconayo  looga doodayo qabya qoraalka sharciga doorashooyinka qaranka waxa ka qeyb galaya sharci yaqaano, aqoonyahano iyo gudiga doorashooyinka, si ay uga tala bixiyaan nuuca doorasho ee Soomaaliya ku haboon marka la gaaro 2021 waxaana soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha Gudaha. Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa kulan ku soo bandhigtay daraasado ku saabsan nuuca doorasho ee ku haboon Soomaaliya waqtigaan

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Cabdinasir Xaaji Maxamed Agaasimaha Waaxda federaalka ee wasaaradda arrimaha Gudaha Federalka iyo dib heshiisiinta ayaa ka hadlay daraasada ay  wasaaradu ka sameysay  nuuca doorasho ee ku haboon Soomaaliya.

“ waxaa la sameeyay nuuca doorasha ee dalka ku haboonm hadii ay noqon laheed nidaamka aqlabiyada badan,ama nidaamka saamiga dheelitiran iyo mid isku dhafan, waxa kale oo daraasad laga sameeyay nuuca deegaan doorasho ee ku haboon waqtigan waxaana garanay inay ku haboon tahay doorasho nuuceedu yahay nidaamka saamiga dheelitiran (proportional Representation)” Agaasime waaxda federaalka ayaa sidaa yiri

Xuseen Cabdi Aadan oo ah xubin ka mid ah gudigga doorashooyinka Qaranka talaabo muhiim ah ayuu ku tilmaamay in laga tala galiyo  dadka u ahalka qabya qoraalka sharciga doorashooyinka.

“ annaga inaan ka soo qeyb galno muhiim weeye waayo anaga marka la sameeyo sharcigaan fulintiisa leh, wasaaraduna waxay ku mahadsan tahay sida aan turxaanta laheen ee baraxa la’ ee marwalbaba ula tashanayaan dadka qeyb ahaan lugta ku leh iyo aqoonyahanada iyo dadka sharci yaqaanada ah” ayuu yire Xuseen Cabdi Aadan

Xoghayaha joogtada ah e wasaaradda Arrimaha gudaha Federaalka iyo dib u heshiisiinta C/laahi Maxamuud Xasan (Azhari) uu furay kulanka waxa uu sheegay in wasaaradu  ay ka go’an tahay in la helo nidaam doorasho qaran oo loo dhan yahay,

“ maanta waxaan isugu nimid heykalka sharciga qabya qoraalka doorashooyinka inaad talo ka bixisaan, dhammaan qeybaha bulshadana waxaan rabnaa inay ra’yi ay ku lahaadaan sida ay wax u dhacayaan, sababtoo ah hadii aan la helin intaas oo dhan wax loo dhan yahay lama helaayo” ayuu yiri xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya

Kulankaan looga hadlayo qabya qoraalka sharciga doorashooyinka oo soconaya laba maalmood  ayaa qeyb ka ah dadaalada Qaran ee looga tashanayo nuuca doorasho ee ku haboon dalka iyo nidaamka loo marayo.

Cabdishakuur Cali Axmed

Previous Post

Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo lakulmay Gudiyada joogtada ee Golaha Shacabka

Next Post

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo la kulmay Kooxda Kubadda cagta ee Gaadiidka “sawirro”

Next Post
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo la kulmay Kooxda Kubadda cagta ee Gaadiidka “sawirro”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada oo la kulmay Kooxda Kubadda cagta ee Gaadiidka "sawirro"

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In