Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu baroor diiqaayay Eng Canshuur oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan baroor diiq ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaano,Sii-hayaasha  xilalka Wasiirada qaar  ee dowlada Soomaaliya,maamulka gobalka Banaadir,Ehelka marxuumka iyo qaar kamid ah Ururada bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo kulankaasi loogu baroor diiqaayay Allaha u naxariistee dilkii loo geystay 17 bishii November ee sanadkan Marxuum   Eng Cabdulaahi Cali Canshuur oo kamid ahaa mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Xamar.

Ugu horeyntii kulanka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobalka Banaadir Iimaan Nuur Iikar oo ay soo wada shaqeeyen Marxuum Cabdullaahi Cali Canshuur ayaa  ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Cabdullaahi uu ahaa nin ay ka go’an tahay wax u qabashada Ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu ahaa nin howl kar ah shaqadiisa u jajaban.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Sii-hayaha Xilka Wasiirka Beeraha ee dowlada Soomaaliya Cabdi Axmed Maxamed Baafo ayaa hay’adaha Amniga Soomaaliya ka codsaday in ay gacanta ku soo dhigaan dambiiliyaasha ka dambeeyay dilka  Cabdullaahi Cali Canshuur, isagoo sidoo kale xusay in Canshuur uu ahaa in shakhsi jecel horumarka.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ah  Sii-hayaha Xilka Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee dowlada Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa tacsi u diray Ehelada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliya geeridda Eng. Canshuur, waxaana uu ku baaqay in wax qabadkii Eng Cabdullaahi Cali Canshuur lagu daro taariikhda Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Cali Xaamud: waa laga hortagay kooxdii soo weerartay Xalane” Dhegeyso”

Next Post

Cali Xaamud: waa laga hortagay kooxdii soo weerartay Xalane" Dhegeyso"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In