Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu baroor diiqaayay Eng Canshuur oo Muqdisho lagu qabtay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan baroor diiq ah oo ay isugu yimaadeen Xildhibaano,Sii-hayaasha  xilalka Wasiirada qaar  ee dowlada Soomaaliya,maamulka gobalka Banaadir,Ehelka marxuumka iyo qaar kamid ah Ururada bulshada ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho iyadoo kulankaasi loogu baroor diiqaayay Allaha u naxariistee dilkii loo geystay 17 bishii November ee sanadkan Marxuum   Eng Cabdulaahi Cali Canshuur oo kamid ahaa mas’uuliyiinta dowladda Hoose ee Xamar.

Ugu horeyntii kulanka ka hadlay guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshada ee maamulka gobalka Banaadir Iimaan Nuur Iikar oo ay soo wada shaqeeyen Marxuum Cabdullaahi Cali Canshuur ayaa  ayaa sheegay in Allaha u naxariistee Cabdullaahi uu ahaa nin ay ka go’an tahay wax u qabashada Ummadda Soomaaliyeed isla markaana uu ahaa nin howl kar ah shaqadiisa u jajaban.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Sii-hayaha Xilka Wasiirka Beeraha ee dowlada Soomaaliya Cabdi Axmed Maxamed Baafo ayaa hay’adaha Amniga Soomaaliya ka codsaday in ay gacanta ku soo dhigaan dambiiliyaasha ka dambeeyay dilka  Cabdullaahi Cali Canshuur, isagoo sidoo kale xusay in Canshuur uu ahaa in shakhsi jecel horumarka.

Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo ah  Sii-hayaha Xilka Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka ee dowlada Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa tacsi u diray Ehelada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliya geeridda Eng. Canshuur, waxaana uu ku baaqay in wax qabadkii Eng Cabdullaahi Cali Canshuur lagu daro taariikhda Soomaaliya.

 

 

Previous Post

Dhegeyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Cali Xaamud: waa laga hortagay kooxdii soo weerartay Xalane” Dhegeyso”

Next Post

Cali Xaamud: waa laga hortagay kooxdii soo weerartay Xalane" Dhegeyso"

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In