Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
Shirkan  loogu magac daray walaaleynta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Afrika oo ay soo qaban qaabisay Hay”adda  Culumada Al Bayaan ayaa lagu qabtay magaalada JohannEsburg waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin Culumo Soomaaliyeed oo ka timid Dalalka mareykanka Ingriiska iyo waliba kenya isla markaana uu ka mid yahay  Sh Maxamed Idris iyo qaar ka mid ah  Odayaasha,Waxgarad iyo ganacsatada Soomalida ee ku nool xaafada Mayfair oo ay Soomaalida ku badan tahay.
Shirkaan ayaa waxaaa daah furay  Gudoomiyaha Guddiga fulinta Majliska Al Bayaan Sheikh Maxamuud Adar waxa uu mahadcelin u jeediyay Culumada iyo dhamaan intii kasoo qeybgashay kulanka ,waxa uu sheegay in kulanka lagu faaqadiyo sidii Jaaliyadda dhexdeedalooga heli lahaa midnimo yo wadajir buuxa iyo iskaashi dhinac walba leh oo dhax mara bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaan South Africa
Sheikh Maxamed Idris iyo Culumadii kale ee martida ku ahaa kulanka ayaa ku amaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Afrika inay ka mid yihiin Jaaliyada Soomaalida ee Qurbaha ku nool kuwooda isku xerka iyo dhanka isku duubnida ay ku weyn tahay waxaana ay ku booriyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo midmada ay heystaan hada kana shaqeeyaan sidii ay ku badbaadin lahaayeen ganacsiga ay halkaan ku heystaan,waxaa kale oo ugu baaqeen in ay safiiro u noqdaan dalkooda iyo diintooda.
” Waxaan ku qanacsanahay inay dadka Soomaaliyeed  yihiin dad danahahooda u midoobaan inay wax qaban karaaan oo nuxur leh laakin waxaa loo baahanayahay dad ku hogaamiya wanaaga” ayuu yiri sheikha.
Dhanka kale waxaa jiray su’aalo ay dad weynahu weydiinayeen Culumada kuwaas oo u badnaa sida lagu heli karo cadaalad iyo isku duubni.
Ugu dambeyntii waxaa kulankaas soo afmeeray Sheikh Cali Ibrahiim ( Cali Towxiid) oo ku hadlayay Guddiga hey’ada culimada Al Bayaan ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay Al Bayaan,waxa uuna ku dheeraaday waxbqabadka Markazka.
Waa kulankii u horeeyay oo noociisa ah oo ay hey’ada culimada Soomaalida al bayaan isugu keento culimada Martida ku ahaa dalkaan koofur africa iyo waxgaradka Soomaalida isla markaana looga arinsado xal u helida dhibaatooyinka bulshada dhaxdeeda ka taagan gaar ahaan soomaalida ku nool dalkana koofur africa.
C/laahi Qorshe
Johannesburg South Africa.
IMG_3800 IMG_3798 IMG_3793 IMG_3788 IMG_3792 IMG_3757 IMG_3781 IMG_3775 IMG_3786 IMG_3775 IMG_3746 IMG_3747 IMG_3750 IMG_3757
Previous Post

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”

Next Post

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Next Post
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In