Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Kulan loogu magac daray Walaaleynta Jaaliyada Soomaaliyeed ee South Africa ayaa Lagu qabtay Magaalada Johannesburg.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
Shirkan  loogu magac daray walaaleynta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Afrika oo ay soo qaban qaabisay Hay”adda  Culumada Al Bayaan ayaa lagu qabtay magaalada JohannEsburg waxaana kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ka mid yihiin Culumo Soomaaliyeed oo ka timid Dalalka mareykanka Ingriiska iyo waliba kenya isla markaana uu ka mid yahay  Sh Maxamed Idris iyo qaar ka mid ah  Odayaasha,Waxgarad iyo ganacsatada Soomalida ee ku nool xaafada Mayfair oo ay Soomaalida ku badan tahay.
Shirkaan ayaa waxaaa daah furay  Gudoomiyaha Guddiga fulinta Majliska Al Bayaan Sheikh Maxamuud Adar waxa uu mahadcelin u jeediyay Culumada iyo dhamaan intii kasoo qeybgashay kulanka ,waxa uu sheegay in kulanka lagu faaqadiyo sidii Jaaliyadda dhexdeedalooga heli lahaa midnimo yo wadajir buuxa iyo iskaashi dhinac walba leh oo dhax mara bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaan South Africa
Sheikh Maxamed Idris iyo Culumadii kale ee martida ku ahaa kulanka ayaa ku amaanay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee K/Afrika inay ka mid yihiin Jaaliyada Soomaalida ee Qurbaha ku nool kuwooda isku xerka iyo dhanka isku duubnida ay ku weyn tahay waxaana ay ku booriyeen in ay sii xoojiyaan iskaashiga iyo midmada ay heystaan hada kana shaqeeyaan sidii ay ku badbaadin lahaayeen ganacsiga ay halkaan ku heystaan,waxaa kale oo ugu baaqeen in ay safiiro u noqdaan dalkooda iyo diintooda.
” Waxaan ku qanacsanahay inay dadka Soomaaliyeed  yihiin dad danahahooda u midoobaan inay wax qaban karaaan oo nuxur leh laakin waxaa loo baahanayahay dad ku hogaamiya wanaaga” ayuu yiri sheikha.
Dhanka kale waxaa jiray su’aalo ay dad weynahu weydiinayeen Culumada kuwaas oo u badnaa sida lagu heli karo cadaalad iyo isku duubni.
Ugu dambeyntii waxaa kulankaas soo afmeeray Sheikh Cali Ibrahiim ( Cali Towxiid) oo ku hadlayay Guddiga hey’ada culimada Al Bayaan ayaa ka sheekeeyay waxyaabaha u qabsoomay Al Bayaan,waxa uuna ku dheeraaday waxbqabadka Markazka.
Waa kulankii u horeeyay oo noociisa ah oo ay hey’ada culimada Soomaalida al bayaan isugu keento culimada Martida ku ahaa dalkaan koofur africa iyo waxgaradka Soomaalida isla markaana looga arinsado xal u helida dhibaatooyinka bulshada dhaxdeeda ka taagan gaar ahaan soomaalida ku nool dalkana koofur africa.
C/laahi Qorshe
Johannesburg South Africa.
IMG_3800 IMG_3798 IMG_3793 IMG_3788 IMG_3792 IMG_3757 IMG_3781 IMG_3775 IMG_3786 IMG_3775 IMG_3746 IMG_3747 IMG_3750 IMG_3757
Previous Post

Horumarinta Qorshaha Qaranka ee Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo laga hadlayo “SAWIRRO”

Next Post

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Next Post
Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo 40 sano kaddib bilaabaya Horyaalada Maamul Goboleedyada

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In