Ra’iisul Wasaaraha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa saacado ka hor tagay xarunta golaha shacabka halkaas oo uu ka socdo kulanka xubnaha baarlamanka kaas oo looga hadlayo amniga caasimadda.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Sheegay in ajandaha la guda galayo, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid iyo Taliyaha Nabada sugiddana ay joogaan kulanka.
Dhanka kale kulanka baarlamaanka waxaa dibadda looga saaray saxaafadda sababo la xiriira arrimo xasaasi ah oo laga hadli doono sida uu sheegay guddoomiye jawaari, iyadoo codeen loo qaaday saxaafadda in ay kulanka joogto iyo in kale laysku raacay in ay bannaanka u baxaan.
Si doo kale baarlamaanka federaalka waxa ay su’aalo la xiriira amniga weydiinayaan Taliyaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Jen C/raxmaan Tuur Yare
.