Thursday, September 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Barlamaanka oo dhegeystay akhrinta labaad Hinse-sharciyeedka lagu dhisayo guddiga madax banaan ee doorashooyinka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kallfadhiga   5 aad  kulankisa  23 aad  ee Barlamaanka  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  uu  maanta  ku yeesheen   xarunta   golaha  shacabka  Federaalka oomaaliya ee  magalada Muqdisho ayaa waxaa  shir guddoominaayay      guddoomiyaha  golaha Barlamaanka  Mudane Maxamed  Sheekh Cismaan “Jawaari”  ayaa  ajandihiisu  ahaa  akhrinta labaad  ee hindise  sharciyeedka    dhismaha guddiga madax banaan ee doorashinka Qaranka   iyo in warbixino  laga  dhagaysanyey  xildhibaano   gaaray   deeganada   ay ka  soo jeedaan ee qaar kamid ah gobolada dalka.

Guddoomiyaha   guddiga doorshooyinka  Barlamaanka  Xildhibaan  Cabdi Cali Xasan  ayaa Baralaanamka   u akhriyey  muhiimada   uu u leeyahay  dalka  iyo  mar xaladii uu soo  maray  hindhise  sharciyeedka   dhisamaha  guddiga  doorashooyinka  oo la sameeyay  19  bishii  may 2014   kaasi oo  ahmiyad  gaar ah u leh   hergalinta  hiigsiga sanadkan 2016-ka in doorashooyin ka dhacaan dalka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026

Xildhibaan Maxamed  Xuseen Isaaq “Afaraale”  oo kamid ahaa mudaniyaasha ka warbixinayay deegaanadii ay kormeereen ayaa sheegay in  degmada Tayeglow oo ka tisan gobolka Bakool ay   ka jirto  xaalado  bani’aadminimo  oo aad u daran    isla markaana    dowlada Soomaaliya iyo  hay’adaha  gargaarka  bixiyo  in deeq    gaarsiyaan   dadka ku nool  deegaanadaasi.

“waxaa laga codsana hay;adaha gargaarka iyo dowladda Soomaaliya in ay gargaar la gaaraan dadka dhibaataysan inta aysan xaaladooda ka sii darin lagana shaqeeyo sidii wadooyinka loogu furi lahaa degmada si raashiin loo gaarsiiyo dadkaasi” ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim  oo ka mid ah   Xildhaanada ka soo jeeda  gobolka   Gedo     oo  sheegay  in  dhawaan  safar    ku   tagay  gobolka  Gedo  ayaa  isna  xaladaha  ka  jira  gobolkaasi ku tilmaamay mid liidata dowladda Soomaaliyana looga baahanyahay in ay wax ka qabato dhibaatada haysata dadka ku nool gobolka Gedo.

Guddoomiyaha  Barlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”  ayaa kulanka Barlamaanka ee maanta ayaa digniin u diray xubnaha Barlamaanka oo ka tirsan guddiyada Barlamaanka in aysan ka maqanaan Karin kulamada ay guddiyada yeelanayaan.

 

Previous Post

Hey’adda SIM TRAINING AND CONSULTANCY oo tababar u qabatay 133 qofood (Sawirro)

Next Post

Agaasimiyaasha Wasaaradaha dowladda oo tababar loo furey

Next Post

Agaasimiyaasha Wasaaradaha dowladda oo tababar loo furey

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒  𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

𝐑𝐚,𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐛𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐉𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐢𝐫 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐄𝐥 𝐍𝐢𝐧̃𝐨

September 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi , ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir ah oo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAMO DOCEEDYO LA QAATAY HOGGAAMIYAYAAL CAALAMI AH

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay Madaxweynaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In