Sunday, January 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Hogaamiyayaasha Afrika ee Addis Ababa oo hadallo kulul laga Jeediyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Kulanka Hogaamiyayaasha Afrika ee Addis Ababa oo hadallo kulul laga Jeediyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kullanka 26-naad ee madaxda Midowga Afrika oo ka socda Waddanka Itoobiya ayaa hadal kala duwan laga jeediyay kuwaas oo dhammaantooda ku saabsan baahiyaha Afrika ee la xiriira, amniga, Horumarka dalalka Afrika.

Hogaamiyayaasha ilaa hada ka hadlay kulanka waxaa ka mid ah, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin sinaan la’aan ka jirto gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobeey taas oo uu ku macneeyay in aaney Africa u ogoleyn xubin joogta ah in laga siiyo Afrika.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026

Madaxweynahe Robert Mugabe ayaa sheegay in Africa loo baahan yahay in ay isku tashato, kana baxdo UN ka haddaanan loo ogolaan xubin joogta ah.

Mugabe oo wareejiyey xilka guddoominaya nimada midowga Afrika ayaa waxa uu ku celceliyey in loo baahanyahay in laga shaqeeeyo cadaaladda iyo sinaanta, waxaa uuna ka hadlay faragelin uu sheegay in reer galbeedka ku hayaan wadamada Afrika.

Kullankan waxa sidoo kale ka hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in madaxda Afrika ixtiraamaan mudada dastuurka u ogolyahay in ay xilka hayaan.

Ban ki moon oo khudbadiisi ugu dambeeysay ka jeediyey kulanka midowga afrika ayaa waxa uu xusay in 17 waddan oo Afrika ah sanadkan ay ka dhici doonto doorasho, waxaa uuna ku booriyey hoggaamiyaasha afrika in ay ilaaliyaan dastuurka oo aanay dulduleelada jiray u adeegsan in ay wadamada ka dhaliyaan rabshado.

Burundi oo ka mid ah wadmada arrimahooda la falanqeynayo ayaa mushkilada ka taagan waxa ay ka dhalatay madaxweynaha dalkaas uu isu soo sharaxay xilka madaxweyananimo mar sadexaad, taas oo sababtay in dalka ay rabshado ka dhacaan.

Dalka South Sudan ayaa ka mid ah arrimaa laga shirayo halkaas oo is qabqabsi dhinaca awooda ah uu horseeday isku dhacyo sababay dhimasho iyo bara kac xooggan.

Dhinaca kale madaxweynaha Chad, Idris Deb ayaa loo doortay in uu noqdo gudoomiayaha midowga afrika sanadkan 2016, waxa uuna xilka kala wareegay madaxaweynaha Zimbabwe Robert Mugabe.

 

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta oo shir u qabatay qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Wasaaradaha “SAWIRRO”

Next Post

Dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ku dagtay badda Turkiga

Next Post
Dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ku dagtay badda Turkiga

Dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ku dagtay badda Turkiga

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceedyo la yeeshay dhiggiisa dalalka Suudaan iyo Kuweyt

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa...

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

Haweenka Soomaaliyeed oo bannaanbax ka dhan ah xadgudub Israa’iil ee Soomaaliya ka dhigay Muqdisho

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Bannaanbax ballaaran oo ay soo abaabuleen Haweenka Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, kaas...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Falastiin

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhigiisa Marwo Dr....

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

January 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO(JEDDAH):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In