Friday, August 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Hogaamiyayaasha Afrika ee Addis Ababa oo hadallo kulul laga Jeediyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Kulanka Hogaamiyayaasha Afrika ee Addis Ababa oo hadallo kulul laga Jeediyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

kullanka 26-naad ee madaxda Midowga Afrika oo ka socda Waddanka Itoobiya ayaa hadal kala duwan laga jeediyay kuwaas oo dhammaantooda ku saabsan baahiyaha Afrika ee la xiriira, amniga, Horumarka dalalka Afrika.

Hogaamiyayaasha ilaa hada ka hadlay kulanka waxaa ka mid ah, Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin sinaan la’aan ka jirto gollaha ammaanka ee Qaramada Midoobeey taas oo uu ku macneeyay in aaney Africa u ogoleyn xubin joogta ah in laga siiyo Afrika.

Related posts

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026

Madaxweynahe Robert Mugabe ayaa sheegay in Africa loo baahan yahay in ay isku tashato, kana baxdo UN ka haddaanan loo ogolaan xubin joogta ah.

Mugabe oo wareejiyey xilka guddoominaya nimada midowga Afrika ayaa waxa uu ku celceliyey in loo baahanyahay in laga shaqeeeyo cadaaladda iyo sinaanta, waxaa uuna ka hadlay faragelin uu sheegay in reer galbeedka ku hayaan wadamada Afrika.

Kullankan waxa sidoo kale ka hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban Ki-moon oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in madaxda Afrika ixtiraamaan mudada dastuurka u ogolyahay in ay xilka hayaan.

Ban ki moon oo khudbadiisi ugu dambeeysay ka jeediyey kulanka midowga afrika ayaa waxa uu xusay in 17 waddan oo Afrika ah sanadkan ay ka dhici doonto doorasho, waxaa uuna ku booriyey hoggaamiyaasha afrika in ay ilaaliyaan dastuurka oo aanay dulduleelada jiray u adeegsan in ay wadamada ka dhaliyaan rabshado.

Burundi oo ka mid ah wadmada arrimahooda la falanqeynayo ayaa mushkilada ka taagan waxa ay ka dhalatay madaxweynaha dalkaas uu isu soo sharaxay xilka madaxweyananimo mar sadexaad, taas oo sababtay in dalka ay rabshado ka dhacaan.

Dalka South Sudan ayaa ka mid ah arrimaa laga shirayo halkaas oo is qabqabsi dhinaca awooda ah uu horseeday isku dhacyo sababay dhimasho iyo bara kac xooggan.

Dhinaca kale madaxweynaha Chad, Idris Deb ayaa loo doortay in uu noqdo gudoomiayaha midowga afrika sanadkan 2016, waxa uuna xilka kala wareegay madaxaweynaha Zimbabwe Robert Mugabe.

Previous Post

Wasaaradda Qorsheynta oo shir u qabatay qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Wasaaradaha “SAWIRRO”

Next Post

Dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ku dagtay badda Turkiga

Next Post
Dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ku dagtay badda Turkiga

Dooni ay la socdeen tahriibayaal oo ku dagtay badda Turkiga

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

Soomaaliya iyo Turkiga oo iska kaashanaya horumarinta arrimaha Awqaafta ee labada dal

August 7, 2026
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane 𝗦𝗵𝗲𝗲𝗸𝗵𝗠𝘂𝗸𝗵𝘁𝗮𝗮𝗿𝗥𝗼𝗼𝗯𝗼𝘄𝗖𝗮𝗹𝗶, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Hay’adda Awqaafta...

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

Maamulka Waqooyi bari iyo guddoomiya SoDMA oo ka wada hadlay Dardar gelinta mashaariicda gargaarka

August 7, 2026
0

Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

Xuseen Dhegaweyne oo shaaciyay inuu yahay musharaxa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug

August 6, 2026
0

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Urur Siyaasadeedka JSP Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa caawa munaasabad weyn oo lagu qabtay magaalada...

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐢𝐱𝐢𝐭𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐲𝐨 𝐰𝐚𝐱 𝐛𝐚𝐝𝐞𝐥 𝐤𝐮 𝐬𝐚𝐦𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐱𝐮𝐛𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐤𝐮 𝐢𝐦𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐆𝐚𝐫𝐬𝐨𝐨𝐫𝐤𝐚

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay dhammaan xubnaha magacaabista ku imaanaya ee ka mid noqonaya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In