Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada Oo Looga Hadlay Arrimaha Xajka, Shaqaalaha Iyo Deegaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulanka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada Oo Looga Hadlay Arrimaha Xajka, Shaqaalaha Iyo Deegaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee ku jira tubta horumarinta arrimaha bulshada.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Kulanka tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa maanta looga hadlay Qorshaha iyo siyaasadda arrimaha Xajka, horumarinta shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda isbedelka cimilada Soomaaliya.

Ugu horrayn wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shirka maanta ee tubta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay kusoo bandhigtay siyaasadda iyo qorshaha arrimaha xajka oo qayb ka ah halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubta.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee shaqaalaha rayidka ah,  Hassan Abshirow Mohamed, oo shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in guddigoodu ay kulanka kusoo bandhigeen kormeer ay labadii bilood ee lasoo dhaafay ku sameeyeen hannaanka ay shaqaalaha dawladdu u howl galaan, caqabadaha jira ee dhanka shaqada ah iyo talooyin ku aadan qaabkii loo xallin lahaa.

Dood dheer kadib, ayaa Tubta horumarinta arrimaha bulshadu waxa ay

ogolaatay in la dardar geliyo dib-u-habaynta shaqaalaha iyo in la sameeyo hab casri ah oo la gula socdo shaqooyinka shaqaalaha iyo hannaanka shaqa galkooda.

Waaxda Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa iyana waxa ay tubta usoo bandhigtay siyaasadda Isbadalka Cimiladda Soomaaliya oo qorshuhu yahay in aasaas looga dhigo hannaanka dawladdu u wajahayso isbedelka cilmada.

Himilooyinka Tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah  horumarinta hab-racyada, Istaraatiijiyadda iyo sharciyada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Previous Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo dhigiisa dalka Qatar kala hadlay iskaashiga dhanka beeraha ee labada dal “SAWIRRO”

Next Post

Cayaartooy Guulo taariikhi ah ka soo hooyay tartanka cayaarha fudud oo kulan dhiiri gelin ah loo qabtay

Next Post
Cayaartooy Guulo taariikhi ah ka soo hooyay tartanka cayaarha fudud oo kulan dhiiri gelin ah loo qabtay

Cayaartooy Guulo taariikhi ah ka soo hooyay tartanka cayaarha fudud oo kulan dhiiri gelin ah loo qabtay

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In