Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada Oo Looga Hadlay Arrimaha Xajka, Shaqaalaha Iyo Deegaanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulanka Tubta Horumarinta Arrimaha Bulshada Oo Looga Hadlay Arrimaha Xajka, Shaqaalaha Iyo Deegaanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta guddoomiyay kulan ay yeesheen guddi hoosaadka golaha wasiirrada ee ku jira tubta horumarinta arrimaha bulshada.

 

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulanka tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa maanta looga hadlay Qorshaha iyo siyaasadda arrimaha Xajka, horumarinta shaqaalaha dawladda iyo siyaasadda isbedelka cimilada Soomaaliya.

Ugu horrayn wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ayaa shirka maanta ee tubta horumarinta arrimaha bulshada waxa ay kusoo bandhigtay siyaasadda iyo qorshaha arrimaha xajka oo qayb ka ah halbeegyada ay wasaaraddu ku leedahay tubta.

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee shaqaalaha rayidka ah,  Hassan Abshirow Mohamed, oo shirka ka war bixiyay ayaa sheegay in guddigoodu ay kulanka kusoo bandhigeen kormeer ay labadii bilood ee lasoo dhaafay ku sameeyeen hannaanka ay shaqaalaha dawladdu u howl galaan, caqabadaha jira ee dhanka shaqada ah iyo talooyin ku aadan qaabkii loo xallin lahaa.

Dood dheer kadib, ayaa Tubta horumarinta arrimaha bulshadu waxa ay

ogolaatay in la dardar geliyo dib-u-habaynta shaqaalaha iyo in la sameeyo hab casri ah oo la gula socdo shaqooyinka shaqaalaha iyo hannaanka shaqa galkooda.

Waaxda Deegaanka ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa iyana waxa ay tubta usoo bandhigtay siyaasadda Isbadalka Cimiladda Soomaaliya oo qorshuhu yahay in aasaas looga dhigo hannaanka dawladdu u wajahayso isbedelka cilmada.

Himilooyinka Tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa waxaa qayb ka ah  horumarinta hab-racyada, Istaraatiijiyadda iyo sharciyada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo in sare loo qaado aqoonta iyo xirfadaha bulshada.

Previous Post

Wasiirka Beeraha Soomaaliya oo dhigiisa dalka Qatar kala hadlay iskaashiga dhanka beeraha ee labada dal “SAWIRRO”

Next Post

Cayaartooy Guulo taariikhi ah ka soo hooyay tartanka cayaarha fudud oo kulan dhiiri gelin ah loo qabtay

Next Post
Cayaartooy Guulo taariikhi ah ka soo hooyay tartanka cayaarha fudud oo kulan dhiiri gelin ah loo qabtay

Cayaartooy Guulo taariikhi ah ka soo hooyay tartanka cayaarha fudud oo kulan dhiiri gelin ah loo qabtay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In