Sunday, January 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Wadatashiga ee Siyaasadda Tababarada Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kulanka Wadatashiga ee Siyaasadda Tababarada Qaranka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ayaa ahaa wajigii koowaad ee lagu daagfurayay Wadatashiga Siyaasadda Tabarada Qaranka kaasoo muddo aad u fog ay ugu dambeysay in laysku howlo amaba laga wada hadlo.

Madasha kulankan oo uu shir Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Shaqada ee Koonfur Galbeed, Wasiirka Shaqada ee Hirshabeelle, La Taliyayaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimayaasha Tabarada 26ka Wasaaradood ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka.

Related posts

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026

Agaasimaha Waaxda Tabarada Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ismaaciil Macalin Cabdullaahi ayaa ujeedka kulanka ku sheegay inuu yahay daahfurka Wadatshiga Siyaasadda Tabarada Qaranka, caqabadaha shaqo ee soo laalaabtay awgeed ayuu sheegay Agaasimaha in la door biday in xal lo helo lagana bilaabo qeybaha ugu muhimsan ee uu ugu horreeyo Tababarka Shaqaalaha Rayidka lana hergeliyo Siyaasadda Tababarka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa  salaan iyo soo dhoweyn kaddib waxuu yiri: “Maanta waxaan isugu imaanay inaan ka baaraan dagno ama aan isku afgaranno Siyaasadda Tababarada Qaranka, waxaan kasoo shaqeeyay Hay’adaha Dowladda kuwooda kala duwan, waxaana arki jiray tababarro cayiman oo ujeeddo gooni ah laga lahaa ee ma arkin Siyaasad Tababar ee jirtay ama la hergeliyay, haddaba waa inaan isku afgarannaa sida loo heli lahaa Siyaasaddaas Tababar ee hirgasho”.

Wasiirka Shaqada ayaa yiri “Shaqaalaha Rayidka waxey xaq u leeyihiin in kor loo qaado xirfaddooda, Dowladdi dhexe buburkeedii kaddib ma jirin wax Tababaro ah ee loo qaban jiray Shaqaalaha, Tababarka Dowladdana waxey ku tiirsan yihiin NGO’s ama Hey’ado aan dowli aheyn oo Ajaanib ah, wax dhici karana ma ahan inaan sidaas kusii wadno ee waa inaan isweydiinnaa halkaan ka bilaabi laheyn imminkadanba sida ugu fudud ee aan u hergelin karno Siyaasadda Tababarka si ay shaqaalaha u helaan Tababar joogto ah kaddibna loo haqab tiro baahiyowga Dowladda si dhammeystiran”.

Wasiir Saalax ayaa soo jeediyay in dib loo yagleelo machadkii tababarka ee SIDAM kaasoo ahaa halka lagu soo saari jiray arday xirfadlayaal ah ee u diyaarsan baahida Dowladda.

Laba xubnood oo ka tirsan UNDP ayaa waxey madasha ka sheegeen in loo baahan yahay dalka in loo sameeyo Siyaasad Tababar ee la hirgeliyo, ayagoo sheegay in ay ka soo shaqeeyeen dalal dhowr ah ee dowladahoodii burbureen Sida Ciraq iyo Afghanistan, kuwaasi oo aaminsan iney Soomaaliya ay ka hirgelin karaan haddii ay la shaqeeyaan dadka ehelka u ah arrimahaasi ee loo igmaday.

Ugu dambeyn Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa isu ballamiyay Agaasimaayaashii Tababarada ee leysugu wacay shirkan, asagoo u sheegay iney kasoo baaraan dagaan ay kasoo fikiraan halka laga jaanqaadi karo bilowga Siyaasadda Tababarka Qaranka, waxaana gabagabadii lagu ballamay in leysu yimaado maalinnimada Isniinta ah si loo uruuriyo fikradaha kahor kulanka wajigiisa labaad ee la qaban doono Arbacada soo socota.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo qaaday talaabo muhiim ah

Next Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka hadlay dhibaatooyinka heysta dhallinyarada ku xiran Libiya

Next Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka hadlay dhibaatooyinka heysta dhallinyarada ku xiran Libiya

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

Bannaabax looga soo horjeedo xagudubka Israa’iil oo ka dhacay Muqdisho

January 24, 2026
0

Bannaan bax looga soo horjeedo faragelinta Isra’iil ay ku sameysay dalkeenna ayaa ka dhacay degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir. Bannaan...

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

Geesiyaasha Ciidanka XDS oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas biyo la’aan saameysay

January 24, 2026
0

Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa toddobaadkan mar kale muujiyay kaalintooda beni’aadannimo, kaddib markii ay biyo-dhaamin degdeg ah u sameeyeen...

War-murtiyeedka Shirka  Golaha Wadatashiga Qaranka

War-murtiyeedka Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

January 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) oo ay qaab fogaan arag...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen aqoonyahanno heerarka sare ee waxbarashada

January 24, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka qayb-galay munaasabadda qalin-jabinta aqoonyahanada dhammaystay waxbarashada heerarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In