Sunday, June 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Wadatashiga ee Siyaasadda Tababarada Qaranka oo ka furmay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Kulanka Wadatashiga ee Siyaasadda Tababarada Qaranka oo ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan ayaa ahaa wajigii koowaad ee lagu daagfurayay Wadatashiga Siyaasadda Tabarada Qaranka kaasoo muddo aad u fog ay ugu dambeysay in laysku howlo amaba laga wada hadlo.

Madasha kulankan oo uu shir Guddoominayay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiirka Shaqada ee Koonfur Galbeed, Wasiirka Shaqada ee Hirshabeelle, La Taliyayaasha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Agaasimayaasha Tabarada 26ka Wasaaradood ee Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan beesha caalamka.

Related posts

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

June 27, 2026
Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026

Agaasimaha Waaxda Tabarada Shaqada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Ismaaciil Macalin Cabdullaahi ayaa ujeedka kulanka ku sheegay inuu yahay daahfurka Wadatshiga Siyaasadda Tabarada Qaranka, caqabadaha shaqo ee soo laalaabtay awgeed ayuu sheegay Agaasimaha in la door biday in xal lo helo lagana bilaabo qeybaha ugu muhimsan ee uu ugu horreeyo Tababarka Shaqaalaha Rayidka lana hergeliyo Siyaasadda Tababarka Qaranka.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Saalax Axmed Jaamac ayaa  salaan iyo soo dhoweyn kaddib waxuu yiri: “Maanta waxaan isugu imaanay inaan ka baaraan dagno ama aan isku afgaranno Siyaasadda Tababarada Qaranka, waxaan kasoo shaqeeyay Hay’adaha Dowladda kuwooda kala duwan, waxaana arki jiray tababarro cayiman oo ujeeddo gooni ah laga lahaa ee ma arkin Siyaasad Tababar ee jirtay ama la hergeliyay, haddaba waa inaan isku afgarannaa sida loo heli lahaa Siyaasaddaas Tababar ee hirgasho”.

Wasiirka Shaqada ayaa yiri “Shaqaalaha Rayidka waxey xaq u leeyihiin in kor loo qaado xirfaddooda, Dowladdi dhexe buburkeedii kaddib ma jirin wax Tababaro ah ee loo qaban jiray Shaqaalaha, Tababarka Dowladdana waxey ku tiirsan yihiin NGO’s ama Hey’ado aan dowli aheyn oo Ajaanib ah, wax dhici karana ma ahan inaan sidaas kusii wadno ee waa inaan isweydiinnaa halkaan ka bilaabi laheyn imminkadanba sida ugu fudud ee aan u hergelin karno Siyaasadda Tababarka si ay shaqaalaha u helaan Tababar joogto ah kaddibna loo haqab tiro baahiyowga Dowladda si dhammeystiran”.

Wasiir Saalax ayaa soo jeediyay in dib loo yagleelo machadkii tababarka ee SIDAM kaasoo ahaa halka lagu soo saari jiray arday xirfadlayaal ah ee u diyaarsan baahida Dowladda.

Laba xubnood oo ka tirsan UNDP ayaa waxey madasha ka sheegeen in loo baahan yahay dalka in loo sameeyo Siyaasad Tababar ee la hirgeliyo, ayagoo sheegay in ay ka soo shaqeeyeen dalal dhowr ah ee dowladahoodii burbureen Sida Ciraq iyo Afghanistan, kuwaasi oo aaminsan iney Soomaaliya ay ka hirgelin karaan haddii ay la shaqeeyaan dadka ehelka u ah arrimahaasi ee loo igmaday.

Ugu dambeyn Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac ayaa isu ballamiyay Agaasimaayaashii Tababarada ee leysugu wacay shirkan, asagoo u sheegay iney kasoo baaraan dagaan ay kasoo fikiraan halka laga jaanqaadi karo bilowga Siyaasadda Tababarka Qaranka, waxaana gabagabadii lagu ballamay in leysu yimaado maalinnimada Isniinta ah si loo uruuriyo fikradaha kahor kulanka wajigiisa labaad ee la qaban doono Arbacada soo socota.

Previous Post

Dowladda Soomaaliya oo qaaday talaabo muhiim ah

Next Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka hadlay dhibaatooyinka heysta dhallinyarada ku xiran Libiya

Next Post

Xildhibaannada Golaha shacabka oo ka hadlay dhibaatooyinka heysta dhallinyarada ku xiran Libiya

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare oo ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta

June 27, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Aqalka Sare ayaa ka qeyb galay Shirweynaha 8-aad ee Baarlamaanka Carabta iyo Guddoomiyaasha...

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

Jabuuti oo maanta laga xusayo sanad guuradii 49-aad ee xornimada dalkaas

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maanta oo ku beegan 27-ka Juun, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay u dabbaaldegaysaa sannad-guuradii 49-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo Croatia uga qayb galay dood heer caalami ah

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali (Dhaay), ayaa ka qaybgalay...

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku dhawaaqday heshiis caalami ah oo ku saabsan Badda Soomaliya

June 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In