Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada òo la soo xiray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo xirtay Kulanka Wadatashiga Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada (Social Media Policy), kaas oo socday muddo laba maalmood ah.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, ururrada warbaahinta, bulshada rayidka ah, iyo dhalinyaro caan ka ah baraha bulshada.

Related posts

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

December 17, 2025

Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa faahfaahin ka bixiyay doodaha iyo aragtiyaha la isku dhaafsaday kulanka, isagoo xusay in kulanku ahaa fursad muhiim ah oo lagu wadaagay fahamka iyo talooyinka la xiriira diyaarinta siyaasadda lagu wajahayo khataraha ka dhasha warbaahinta bulshada ee aan xakamaysnayn.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa si rasmi ah u soo xiray kulanka. Wuxuu sheegay in talooyinka iyo fikradaha laga soo ururiyay wadatashiga lagu saleyn doono siyaasadda qaran ee warbaahinta bulshada. Wuxuuna u mahadceliyay dhammaan ka qeybgalayaasha kaalintii firfircoon ee ay ku lahaayeen kulanka.

Wasiir Al-Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay dowladda u leedahay sameynta siyaasad qaran oo ka tarjumaysa xal u helidda mushkiladda ka jirta si xun u isticmaalka baraha bulshada.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska oo kaashanaysa hay’adaha dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo qeybaha bulshada, waxaa ka go’an dhameystirka iyo dhaqan-gelinta Siyaasadda Qaran ee Maareynta Khataraha Isticmaalka Khaldan ee Warbaahinta Bulshada, si waafaqsan qaraarkii Golaha Wasiirrada kasoo baxay bishii Febraayo ee sanadkan, kaas oo diiradda saaraya wacyigelinta iyo xakameynta isticmaalka khaldan ee warbaahinta bulshada.

 

 

 

 

 

Previous Post

National Consultation meeting on Social Media Policy for Managing the Risks and Misuse of Social Media Platforms Concludes in Mogadishu

Next Post

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Next Post
Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Wasiirka Howlaha Guud XFS oo shir muhiim ah ka daahfuray Spain

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in guddigu uu bilaabayo daabulidda qalabka rasmiga ah ee lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

December 17, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa Arbacada maanta ah waxa uu si...

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In