Waxaa goor_dhow furmay kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, kaasi oo uu shir guddoominayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ajendaha kulanka ayaa ahaa doorashada xubnaha guddiga isku dhafka ah labada Aqal ee qaban qaabada doorashada Madaxweynaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa xildhibaannada ka codsaday inay iska soo dhex doortaan 10 xubnood si waafaqsan nidaam dheelli tiranka.
Xildhibaanada golaha ayaa hadda guda galay soo xulista xildhibaannada ka mid noqon doona guddiga doorashada Madaxweynaha.