Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

DAAWO SAWIRADA:- Kulankii Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee Tuunis oo la soo gabagabeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
DAAWO SAWIRADA:- Kulankii Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee Tuunis oo la soo gabagabeeyay

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026

Kulanka Golaha guud ee Ururka Idaacadaha Dowlahada Carabta kalfadhigiisii caadiga ah ee 35-aad ayaa waxaa maanta oo Jimco ah lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Tuunisiya ee Dalka Tuunis.

Kulankan oo ay ka qayb galayeen ku dhawaad 100 Hay’addo oo isugu jira Hay’adaha warbaahineed ee Dowlahada Carabta iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee wadamada Carabta jira iyo Madax kale oo ka kala socotay Ururada Idaacadaha Yurub iyo Aasiya ayaa waxaa laga soo saaray gunaanadkii war-murtiyeed kulanka waxii looga hadlay ku saabsanaa.

Dowladda Soomaaliya oo sanadkan ka qayb gashay kulankan muddo 25 sano kadib ayaa waxaa uga qayb galay shirkaas Agaasimaha Waaxda Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadow iyo Uqaybsaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Fiidow Maxamuud Fiidow.

Agaasime Cabdiraxiin Ciise Cadow Agaasimaha Waaxda Radio Muqdisho oo maanta qudbad ka jeediyay madasha ayaa ka warbixiyay xaalka dhabta ah ee Warbaahinta Soomaaliya ee Dowladda leedahay ay ku shaqayso isaga oo si gaar ah warbixin taariikhda iyo qaabkii loo aas-aasay ka bixiyay Radio Muqdisho iyo Teleefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

Agaasimaha ayaa sharaxay in Warbaahinta Soomaaliya ay xiligan ku shaqayso xaalad xun marka loo eego ama la barbar dhigo Warbaahinta Walaalaheen Carbeed ay leeyihiin oo meelo badan ka dhisan, hasayeeshee Soomaaliya ay hada dhaqaaqday una baahan tahay gacan qabasho si horumar usii gaaraan.

Agaasimaha ayaa ka codsaday Wadamada Carabta in Satellite-yada Arabsat iyo Nilesat ay ka gacan siiyaan sidii warbaahinta Soomaaliya loogu dari lahaa Β oo waxii qalab ahna ay ururka u bixin lahaayeen.

Sidoo kale Agaasime Cabdiraxiin Cadow ayaa sheegay in radio Muqdisho laga gacansiiyo sidii Muujadaha Gaagaaban iyo kuwa dhexe loo siin lahaa Radio Muqdisho si codkiisa u gaaro Bulshada Soomaaliyeed ee wadamada fog fog kala jooga

Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ayaa ah urur hoos taga Jaamacadda Carabta oo ay awoodiisa tahay in ay ka shaqeeyaan is dhaafsiga wararka wadamada carabta iyo la socoshada Warbaahinta Wadamada Carbeed.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Previous Post

Ciidamada amniga oo baaritaanno ka sameynaya xaafadda Howlwadaag ee Beledweyne

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

π’π¨πƒπŒπ€ 𝐒𝐲𝐨 π‡πšπ²β€™πšπππš 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐒𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐀𝐚 𝐨𝐨 𝐀𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐑𝐚𝐝π₯𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄π₯ 𝐍𝐒ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso β€œSoddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In