Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

DAAWO SAWIRADA:- Kulankii Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee Tuunis oo la soo gabagabeeyay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
DAAWO SAWIRADA:- Kulankii Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ee Tuunis oo la soo gabagabeeyay

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Kulanka Golaha guud ee Ururka Idaacadaha Dowlahada Carabta kalfadhigiisii caadiga ah ee 35-aad ayaa waxaa maanta oo Jimco ah lagu soo gabagabeeyay Caasimadda Tuunisiya ee Dalka Tuunis.

Kulankan oo ay ka qayb galayeen ku dhawaad 100 Hay’addo oo isugu jira Hay’adaha warbaahineed ee Dowlahada Carabta iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee wadamada Carabta jira iyo Madax kale oo ka kala socotay Ururada Idaacadaha Yurub iyo Aasiya ayaa waxaa laga soo saaray gunaanadkii war-murtiyeed kulanka waxii looga hadlay ku saabsanaa.

Dowladda Soomaaliya oo sanadkan ka qayb gashay kulankan muddo 25 sano kadib ayaa waxaa uga qayb galay shirkaas Agaasimaha Waaxda Radio Muqdisho Mudane Cabdiraxiin Ciise Cadow iyo Uqaybsaha Warfaafinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan Mudane Fiidow Maxamuud Fiidow.

Agaasime Cabdiraxiin Ciise Cadow Agaasimaha Waaxda Radio Muqdisho oo maanta qudbad ka jeediyay madasha ayaa ka warbixiyay xaalka dhabta ah ee Warbaahinta Soomaaliya ee Dowladda leedahay ay ku shaqayso isaga oo si gaar ah warbixin taariikhda iyo qaabkii loo aas-aasay ka bixiyay Radio Muqdisho iyo Teleefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

Agaasimaha ayaa sharaxay in Warbaahinta Soomaaliya ay xiligan ku shaqayso xaalad xun marka loo eego ama la barbar dhigo Warbaahinta Walaalaheen Carbeed ay leeyihiin oo meelo badan ka dhisan, hasayeeshee Soomaaliya ay hada dhaqaaqday una baahan tahay gacan qabasho si horumar usii gaaraan.

Agaasimaha ayaa ka codsaday Wadamada Carabta in Satellite-yada Arabsat iyo Nilesat ay ka gacan siiyaan sidii warbaahinta Soomaaliya loogu dari lahaa  oo waxii qalab ahna ay ururka u bixin lahaayeen.

Sidoo kale Agaasime Cabdiraxiin Cadow ayaa sheegay in radio Muqdisho laga gacansiiyo sidii Muujadaha Gaagaaban iyo kuwa dhexe loo siin lahaa Radio Muqdisho si codkiisa u gaaro Bulshada Soomaaliyeed ee wadamada fog fog kala jooga

Ururka Idaacadaha Dowladaha Carabta ayaa ah urur hoos taga Jaamacadda Carabta oo ay awoodiisa tahay in ay ka shaqeeyaan is dhaafsiga wararka wadamada carabta iyo la socoshada Warbaahinta Wadamada Carbeed.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Previous Post

Ciidamada amniga oo baaritaanno ka sameynaya xaafadda Howlwadaag ee Beledweyne

Next Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post
Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay "SAWIRRO"

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In