Xafiiska Maareynta mashriicda Midowga Yurub NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, ayaa maanta Magaalada Baydhabo ku qabtay kullan wadatashi ah oo ku saabsanย hanaanka ay u socdaan mashaariicda sanduuqa horumarinta Midowga Yurub EDF/Projcets uu ka wado dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Dr Cali Macalin, ayaa furitaanka kullanka goobjoog ka ahaa, sidoo kale Waxaa qeyb ka ahaa Agaasimiyaasha guud Wasaaradahaaha Mashaariicda Mdiowga Yurub la falgala iyo Masโuulayiin Sare oo ka socday Xafiiska NAO ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.
Iyada oo warbixin laga dhageeystay Madaxda Wasaaraddaha Mashruuca IlIED-ka qeybta ka ah iyo howlaha kale Midowga Yurubย ka waddo Koonfur Galbeed ee horumarinta, dhisnamaha dowladda hoose, Arrimaha Bulshada, Abaaraha , Amniga iyo soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa lagu falanqeeyay Mashaaricda Mira-Dhalay, Caqabadaha jira dhinac walbo iyo qaabka loo dar-dargalin lahaa howlaha harsan ee Horutebinta u leh xiligaan.