Thursday, November 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Kampala Ee Caasimadda Dalka Uganda

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Kampala Ee Caasimadda Dalka Uganda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay uga bilaabatay dalka Uganda, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Magaalada Kampala ee Caasimadda dalkaas.

Madaxweynaha oo garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe uu ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abubakhar, ayaa salaan Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Related posts

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo booqashadiisa Uganda ay qaadaneyso saddex maalmood, ayaa wada-hadallo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Museveni.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb geli doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax soosaarka.




Previous Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay James Swan

Next Post

Kullan Ku Saabsan Horumarinta Mashaariicda Midowga Yurub Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Next Post
Kullan Ku Saabsan Horumarinta Mashaariicda Midowga Yurub Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Kullan Ku Saabsan Horumarinta Mashaariicda Midowga Yurub Oo Lagu Qabtay Baydhabo

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda  Muqdisho

Wasiirka Dekedaha oo dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Muqdisho

November 13, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha waddooyinka Dekedda Magaalada...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Uganda

November 13, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow...

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka oo shir Guddoomiyay Kulanka guddiga joogtada. 

November 13, 2025
0

Guddoomiye kuxiyeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada...

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Agaasimaha Wasaaradda Awqaafta oo dhagax dhigay Masaajid cusub.

November 13, 2025
0

Munaasabadda dhagax-dhigga masaajidka cusub ee laga dhisayo Taliska Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In