Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kumaandooska Danab oo howlgal gaar ah ku dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Xoogga Dalka oo qaarijiyey sargaal ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-shabaab oo qorsheynayay in ay weerar fuleynimo ah ka fuliyaan deegaanka Janaay-Cabdalle iyo deegaannada kale ee ku hareereysan ayaa waxaa fashiliyay ciidamada Kumaandooska Danab, halkaas oo Khawaarijtu jab xooggan lagu gaarsiiyay.

Taliyaha Ururka 5-aad, Guutada 16-aad ee ciidamada Danab Carab Dheeg Axmed ayaa warbaahinta Qaranka u xajiiyay in howlgalkaas Khawaarijta looga dilay 7-dhagar-qabe, halka tiro intaas ka badan looga dhaawacay.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Sidoo kale. Taliyaha ayaa sheegay in ay maleeshiyadii Khawaarijta ay soo qaladay ka furteen saanad ciidan oo ay wateen, waxaana halkaas argagixisadu ku gaaray jab xooggan oo cashar u noqonaya kuwo kale ay wali jidka naarta ku hoggaaminayaan.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalkan guuleystay ka fuliyay Tuulada Kuuba-Kabir oo u dhow deegaanka Jannaay Cabdalle ee gobolka Jubbada hoose, waxayna hadda ciidamadu sii baacsanayaan haraadiga maleeshiyaada kooxda Al-shabaab oo ka firxaday howlgalka.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta Jubbaland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay howlgallo ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab ka wafay deegaannada Jubbooyinka, halkaas oo maleeshiyada lagaga dilay maleeshiyo iyo horjoogayaal badan oo shacabka Soomaaliyeed dhibaato xooggan ku hayay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshaha dalka looga xoreynayo Khawaarijta, kuwaas oo ka socda inta badan gobollada dalka, waxaana hadda socda qorshaha wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta, sida madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka uu ku dhawaaqay.

Previous Post

Lix tahriibayaal ah oo ku dhintay doon ku qallibantay badda

Next Post

Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe oo sheegay in adeegyada uu bixiyo Bankiga Dhexe la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka

Next Post
Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe oo sheegay in adeegyada uu bixiyo Bankiga Dhexe la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka

Guddoomiye Ku xigeenka Bankiga Dhexe oo sheegay in adeegyada uu bixiyo Bankiga Dhexe la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In