Saturday, April 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka kumaandooska DANAB ayay ku dileen mid kamid ah horjoogeyaasha argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa dhinaca tababarada, kaas oo lagu magacaabo Ashraf azmi Abu (Hamdan) una dhashay dalka Nepal ee qaaradda Aasiya.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaanada Buur-gaduud, Waabo, Salagle iyo Duqay oo hoos yimaado degmadda saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.

Related posts

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

April 4, 2026

Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay howlgalka inuu ahaa mid qorsheysan, kaasi oo ay fuliyeen ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Danab, islamarkaana ujeedkiisu uu ahaa beegsiga horjoogeyaasha argagixisada iyo meelaha ay ku dhuumaaleeysanayaan.

Taliyaha ayaa tilmaamay in horjoogaha la dilay ee u dhashay dalka Nepal ay la dhinteen seddex Maleeshiyaad ah oo la joogay goobta uu howlgalka ka dhacay.

Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa kordhiyay howlgalada ay ku bartilmaameydsanayaan horjoogeyaasha iyo maleeshiyaadka argagixsada Al-Shabaab.

Previous Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo Odoyaasha dhaqanka beelo dagaalamay kala hadlay xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 31 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Next Post
Xaalado Cusub Oo COVID19 Ah Oo Laga Diiwaan Geliyay Puntiland, Gobalka Banaadir, Somaliland Iyo Koonfur Galbeed “SAWIRRO”

Wasaaradda Caafimaadka Oo Xaqiijisay In 31 Qof Oo Cusub Ay Ka Bogsoodeen Feyruska Karoona

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) oo shaaciyay liiska horjoogayaal lagu dilay hawlgalladii u dambeeyay

Ciidanka Hay’adda NISA oo war ka soo saaray hawlgallo qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan oo ka dhacay Gobolka...

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo kulamo kaga qaybgalay dalka Turkiga

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Turkey):- Xoghayaha Joogtad ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Cabdulkadir Faarax, oo hoggaaminaya wafdi ka socda...

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka KGS oo kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Odayaasha maamulkaasi

Hoggaamiyaha Kumeel gaarka ah ee KGS oo soo magacaabay agaasimaha guud ee Madaxtooyada

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(BAYDHABA):Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq u-magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada...

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

Soomaaliya oo ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka

April 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO(St.Petersburg-Russia):-Soomaaliya ayaa sanadkan waxa ay ka qaybgashay Shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka ee dalka Ruushka. Maareeyaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In