Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kumaandooska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Ciidanka Kumandooska Danab oo burburiyay fariisin ay Shabaab ku lahaayeen degaan ka tirsan gobolka J/Hoose

????????????????????????????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ciidamada Kumandoosta Soomaaliya ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyey gobolka Shabeelaha hoose, kaas oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

Hawlgalkan oo ka dhacay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha hoose, gaar ahaan meel ay ku dhuumaalaysanayeen horjoogayaal ka tirsan xagjirka Al-shabaab ayaa lagu soo qabtay labo horjooge sare oo maleeshiyada Shabaab ka tirsanaa.

Sida ay warbaahinta qaranka ay u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka,Xubnaha ay soo qabteen ciidanka Xooga Dalka,gaar ahaan qeybtoodi Kumaandooska ah oo sida gaarka ah u tababaran ayaa waxaa ay kala yihiin Cabdi-kariin Abuu Xamza oo ah Madaxa Al-Shabaab u qaabilsan Maaliyadda iyo Muudey oo ah taliyaha u qaabilsan Amniyaatka iyo dilalka qorsheysan.

Horjoogayaashan la soo qabtay ayaa la sheegay in ay kamid ahaayeen horjoogayaasha Alshabaab ee lagu soo tababaray dalka dibadiisa,gaar ahaan Afganistaan,sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Shabeelada Hoose.

Waxaa uu ahaa hawlgal xirfadiisu sarayso, kaas oo suura galiyey in la soo qabto horjoogayaashan iyaga oo nool, waxxaana raggan oo macluumaad badan ka haya kooxda Al-shabaab haatan ku socda baaritaan.

Gobolada Dalka waxaa ka soconaya howlgalo ballaaran oo lagu baacsanayo maleeshiyada Alshabaab,iyadoo maalmihii la soo dhaafayna ay howlgalo qorsheysan ay ka kala dheceen deegaano ka tirsan K/Galbeed iyo Jubbaland.

SONNA.

Previous Post

Ciidanka xoogga dalka oo howlgalo balaaran ka wada qaybo ka mid ah gobalka Gedo

Next Post

Maamulka Gobalka Shabeellaha hoose oo ka Warbixiyay Horjoogayaasha Al shabaab ee Gacanta lagu dhigay

Next Post
Maamulka Gobalka Shabeellaha hoose oo ka Warbixiyay Horjoogayaasha Al shabaab ee Gacanta lagu dhigay

Maamulka Gobalka Shabeellaha hoose oo ka Warbixiyay Horjoogayaasha Al shabaab ee Gacanta lagu dhigay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In