Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo uu ka baxay Xildhibaan geeriyooday oo la buuxiyay “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo uu ka baxay Xildhibaan geeriyooday oo la buuxiyay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashada kursi ka tirsan Golaha Shacabka oo uu ka baxay Allah u naxariistee Siciid Xasan Geedi oo geeriyooday bishii February ee sanadkii 2017-ka, isla markaana degaan doorashadiisu aheyd magaalada Muqdisho ayaa waxaa is diwaangaliyay inay ku tartamayaan laba musharax oo kala ahaa Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan iyo Faatax Siciid Xasan, inkastoo Musharax Ceynaan uusan hoolka codeynta soo xaadirin ayaa doorashada oo qabsoontay waxaa ku  guuleystay Faatax Siciid Xasan oo wiil uu dhalay marxuumkii booskan baneeyay sida ay ku dhawaaqday Gudoomiyaha Gyuddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yarey)

“Kursigan waxaa ku tartamayay Cabdiraxmaan Axmed Ceynaan iyo Siciid Xasan Geeddi, Cabdiraxmaan waxa uu helay shan cod, halka Faatax uu helay 32, waxaana halowday afar cod, guud ahaan waa 41 codbixiye ayaa ka qeyb galay, waxaana ku guuleystay musharax Faatax Siciid Xasan oo saacan wixi ka dambeeya loo dhaarin doono xilka loo igmaday” ayay tiri Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo yarey).

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Xildhibaanka maanta la doortay Faatax Siciid Xasan ayaa u mahacceliyay ergada iyo Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, isagoo balanqaaday inuu waxqabad la imaan doono.

“Waan u mahadcelinyaa inta ii codeysay iyo inta aan ii codeyn, aniga maanta laga bilaabo dhamaantiin waxaan idin ahay Xildhibankii, waana fahmi karaa dhibta heysta dhallinyarada, waxaana diyaar u ah inaan idinla shaqeeyo” ayuu yiri Xildhibaan Faatax.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa mudooyinkii dambe ku howlanaa buuxinta kuraasta ka banaanaatay baarlamanka 10-aad ee Golaha shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna Xildhibaanka maanta la doortay ku biirayaa laba Xildhibaan oo dhawaan lagusoo kala doortay magaalooyinka Jowhar iyo Kismaayo oo sugaya in la dhaariyo.

Previous Post

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wafdi ka socda FAO “SAWIRRO”

Next Post

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Warshadda Farsamada ee Xabsiga dhexe “SAWIRRO”

Next Post
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Warshadda Farsamada ee Xabsiga dhexe “SAWIRRO”

Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Warshadda Farsamada ee Xabsiga dhexe "SAWIRRO"

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In