Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Axmed Burhaan Maxamed “sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Kusimaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaabilay Axmed Burhaan Maxamed “sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kusimaha madaxweynaah ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Axmed Burhaan Maxamed oo ku soo guuleystay tartanka Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.

Kulanka oo ahaa mid qado ah ayaa waxa ku wehlinaayay Aabe Burhaan Maxamed, Macalin Cabdinaasir Maxamuud Faarax oo ah macalinkiisa Qur’aanka Kariimka iyo Sheekh Maxamed C/llaahi oo ka tirsan madaxda Masjidka Abuubakar Sadiiq ee Minneapolis.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa sheegay inuu aad ugu farxay guusha uu Axmed Burhaan ka gaaray tartankii Qur’aanka ee Dubai lagu qabtay.

“ Waxa idiin kaga mahad celinaya sida wanaagsan ee aad iga aqbasheen casuumaada aan idiin fidiyay, guusha aad gaartay waa guul weyn oo Soomaali dhan farxad gelisay, waan kaaga mahad celinaya dadaalka aad sameysay” ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa sheegay in muhiimada kulankan uu yahay mid dhiira gelin ah, guushaana ay tahay guul Qaran.

“ Runtii golaha shacabka aad ayuu usoo dhaweeyay guushan, waxan ka shaqeynaya sidii maamuus sare loogu sameyn lahaa dhalinyarada guulaha noocaan oo kale ah Qaranka usoo hooyay” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha.

Axmed Burhaan Maxamed oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay la kulanka iyo casuumaadda guddoomiyaha golaha shacabka.

“ Waa ku faraxsanahay sida la ii casuumay oo la ii sharfay maanta, kulankan Waxaa ku qiyaasaya maamuus iyo ixtiraam aad u badan oo la ii sameeyay, dhiira gelin weyn ayay ii tahay”. ayuu yiri Axmed Burhaan Maxamed.

Kulanka waxa gooboog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim ( Muudeey ), Habdhowraha golaha shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed C/llaahi Xasan “ Nuux “ iyo Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Axmed Burhaan ayaa ku guuleystay abaal marinta Dubai ee caalamiga ah, isagoo ka guuleystay in ka badan 100 qof oo ka kala yimid dalal badan.

Previous Post

Xaflad Sagootin ah oo loo sameeyay ku Xigeenkii hore ee Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka+Sawirro

Next Post

Akhriso:-Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Next Post
Akhriso:-Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

Akhriso:-Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee kulanka Wakiillada Ganacsatada Madasha Iskaashiga Soomaaliya

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

𝑯𝒐𝒈𝒈𝒂𝒂𝒏𝒌𝒂 𝑿𝒊𝒔𝒃𝒊𝒈𝒂 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒐 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 𝒌𝒖 𝒅𝒉𝒂𝒘𝒂𝒂𝒒𝒂𝒚 𝑻𝒂𝒂𝒈𝒆𝒆𝒓𝒂𝒅𝒂 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 𝑳𝒊𝒊𝒃𝒂𝒂𝒏 𝑨𝒙𝒎𝒆𝒅 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 𝒊𝒚𝒐 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In