Thursday, September 18, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kusimaha Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ka warbixiyey Horumarada Dowladda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 20, 2018
in Wararka
0
Kusimaha  Wasiirka Warfaafinta Mudane Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis oo ka warbixiyey Horumarada Dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Jamhuuriyadda Soomaaliya Oo Kampala Kaga Qeyb Galay Shir Ku Saabsanaa Istaraatiijiyadda Xoojinta Ciidanka Soomaaliya, Natiija Wanaagsanna Ka Soo Baxday.

01/03/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qeyb galayey shir ku saabsanaa istaraatiijiyadda xoojinta Ciidanka Soomaaliya.Shirkan ayaa diiradda lagu saarayey iskaashiga dagaalka ka dhanka ย ah Alshabaab, tayeynta Ciidanka Soomaaliya iyo xoojinta wada shaqeynta ka dhaxeysa Ciidamada Qalabka Sida iyo kuwa AMISOM.Waxaana ka soo qeyb galayey Madaxda dalalka ciidamdu ay ka joogaan Soomaaliya, xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey, Madax ka socota Beesha Caalamka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika shirkan, iyadoona Madaxweyne Farmaajo uu u hor dhigay qorshe Soomaaliyeed oo ku qotoma ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada.Ugu dambayntiina la isku af gartay waxyaabihii meesha la gorfeeyey.

Related posts

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025

Madaxda Dalka Ayaa Ka QaybQaatey Olalaha Nadaafadda Caasimadda

01/03/2018-Madaxda Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Benaadir ayaa si wadajir ah u sameeyey Olalaha Nadaafadda Caasimadda, kaas oo lagu aruurinayay qashinkii yiilay ย goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka Caasimadda. Raโ€™iisal Wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo qeybaha bulshada ayaa wadajir olalahan uga sameeyey ololahan nadaafadda goobo kamid ah Muqdisho.

Kulanka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir Oo Qodobo Laga Soo Saaray.

01/03/2018-Shirka Guddiga Amniga Gobolka Benaadir oo guddoominayey Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo ay ka qeyb galeen guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Mudane Maxamed C/laahi Maxamed, taliyeyaasha qeybta gobolka ee ciidamada Millatariga, Booliska, Nabad-sugidda iyo Asluubta ayaa waxaa looga wada hadlay afar qodob ย oo mudnaan u lahaa ammaanka Caasimadda.Kulanka ayaa lagu lafaguray qaabka ugu habboon ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ee aan ka tirsanayn Guutada 12 abriil looga saari lahaa magaalada, dibna loogu celin lahaa xeryahooda, si loo adkeeyo dhaq-dhaqaaqa amniga Muqdisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Goโ€™aan Ka Soo Saartay In Heshiiskii Dekedda Berbera Kuna Sheegtay Sharci Darro.

02/03/2018-Wasaaradda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ay kaga hadlayso heshiiska dekedda Berbera.Wasaaradda ayaa ku tilmaamatay heshiiskan mid mid lagu wiiqayo midnimada iyo wada jirka ummadda Soomaaliya.Sidoo kale Wasaaraddu waxa ay hoosta ka xariiqday in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan qeyb ka ahayn heshiiskan loona maray habraacย aan waafaqsanayn Dastuurka Ku meel-Gaarka ah iyo shuruucda kale ee uu yaalla Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya Iyo Suudaan Ayaa Heshiis Iskaashi Kala Saxiixday

02/03/2018-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Malmahaan booqadsho ku Jogay Dalka Suudaan ayaa heshiis iskaashi wada Saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan Ibraahim ganduur, heshiiskan oo tilmaya horumarinta Xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan. Kulamada uu Wasiirka la qadanyay Masโ€™uuliyiinta Dowladda Suudaan ayaa waxaa goob joog ka ahaaย Masโ€™uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu horkacayay Siihayaha Safaaradda ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuuleย iyo waliba Safiirka Sudan u Fadhiya Soomaaliya.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgalo ka wada deegaano hoostaga Balcad

03/03/2018-Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgalo ballaaran ka waday deegaano hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ,iyagoo baadi goobaya Maleeshiyaad ka tirsanaa Alshabaab oo weerar ku soo qaaday degmadaasi.Militariga Soomaaliya ayaa Alshabaab ka saaray degmadaasi Balcad oo ay qabsadeen saacado kooban qeybo kamid ah magaaladaasi,iyagoo gaarsiyay khasaare nafeed iyo hub ย ay ka furteen maleeshiyaadkaasi.Dagaalkii Balcad waxaa barbar socday iska hor imaad kale oo dhexmaray ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi iyo Alshabaab,kadib markii Maleeshiyaadka Shabaab ay wadada u galeen kolonyo gaadiid ah oo ay wateen AMISOM.

Ciidamo Milatari Ayaa Loo Dhaariyey Difaaca Dalka Kaddib Tababar Ay Ku Qaateen Xerada Turky-Som.

03/03/2018-Ciidammadan ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee loo dhaariyay Difaaca Dalka ayaa lagu carbiyey xerada tababarrada ee Turky-Som, kuwaas oo isugu jiro saraakiil dhallinyaro aqoonyahanno oo noocyo kala duwan leh, qaatayna tababarro ka kooban Xeeladaha ciidanka Milatariga.Askartan ayaa tiro ahaan lagu sheegay inay yihiin 138-askari waxaana loo dhaariyey in ay si daacadnimo leh ugu adeeggaan dadkooda, u difaacaan uguna shaqeeyaan Calankooda Soomaaliyeed sharaftiisa.Munaasabadda dhaarinta waxaa joogey abaalduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed General Cabdullaahi Cali Caanood, saraakiisha ugu sarreysa xeradan Turky-SOM iyo Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.ย 

Dowladda Soomaaliya oo India Ka Soo Deysay 76 maxaabiis soomaali ahย  waddankoodana dib loogu celiyey.

04/03/2018-Maxaabiistan oo laga soo dejiyay Goraanka Aadan Cadde ayaa tiradooda gaareysa ilaa 76,kuwaasi oo laga soo daayay xabsiyada Dalka India oo ay ku jireen in muddo ah. R/wasaare ku-xigeenka Dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ay wehliyeen masโ€™uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda ย ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

ย Wasaaradda Beeraha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Kala Saxiixday Heshiis Muhiim Ah.

04/03/2018-Munaasabadan ooย  ku saabsaneyd mid Mashaariicย  horumarineed ayย  ku kala ย saxixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hayโ€addaย  Horumarinta dalka Turkiga eeย  TiKA ayaaย ย  ujeedadu ahayd wax ka qabadashada biya xireenada wabiga shabeelle, Saabuuniย  iyo keydkaย  Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Raโ€iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka Turkiga iyoย  Madaxda Hayโ€™adda TIKA.Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaaย  heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula sooย  gashay dalal dhowr ahaa oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidiiย  loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcintaย  wax soo saarka dalkeeena.

Gurmad Qaran Oo Soo Gabagabeeyay Howlihii Lagu Caawinayay Dadkii Waxyeelada Ka Soo Gaartay Qaraxii Soobe.

05/03/2018-Munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay in la soo gabagabeeyay howlihii Gurmadka ahaa ee uu waday Guddiga Gurmad Qaran ee Qaraxii Soobe, kaasi oo lagu caawinayay dadkii uu saameeyay qaraxii 14kii October ee 2017, Kooxaha Argagixisada ay ka fuliyeen Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.Guddoomiyaha Gurmadka Qaran C/llaahi Maxamed Shirwac ayaa sheegay iney dadaal dheer ku bixiyeen dhibanayaasha Qaraxii Soobe,wuxuuna sidoo kale sheegay iney aad uga taxadareen sidii loo gaari lahaa dhammaan dadkii Waxyeelada soo gaartay isagana illaalin lahaayeen in dad kale oo dhibanayaal ahayn ku soo dhex dhuuman.

Madaxweyne Farmaajo Oo Kormeer Shaqqo Ku Tagay Xeryo Ciidan Oo Ku Yaala Duleedka Magaalada Muqdisho.

05/03/2018-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray xeryaha ciidanka xoogga dalka ee Bangala iyo xarunta tababarka ciidanka ee Jeneraal Dhagabadan oo ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.Madaxweynaha oo kormeerkiisa ka bilaabay xerada Bangala ayaa warbixinno ka dhageystay ciidamada iyo Saraakiisha Xoogga Ee Halkaas Ku Sugan, Iyada Oo Sidoo Kale Uu Kormeeray Qeybaha Kala Duwan Ee Dhismaha Xerada.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Furay Shir Dib u Heshiisiin Ah, Natiija Wax Ku Ool Ahna Laga Soo Saaray.

06/03/2018-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa furay kulan looga hadlayay dib u heshiisiinta Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Xubno ka tirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Gobaleedyada, Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Wakiilo ka socda Midowga Yurub, Hayโ€™adaha ka shaqeeya Nabada iyo Dib u heshiisiinta iyo Masuuliyiin kale.Kulankan oo socday Labo maalmood ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay Qorshaha Qaran ee Dib u heshiisiinta Soomaaliya.Ugu dambayntiina natiija wax ku ool ahna ka soo baxday.

Shirka Sedax Billaha Ah Ee Hayโ€™Adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Ka Furmay Garoowe, Natiija Wax Ku Ool Ahna Ka Soo Baxay.

06/03/2018-Madaxweyne ku-xigeynka Dowlad Goboleedka Puntland C/xakiin Cumar Cameey iyo Agaasimaha Guud ee hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda G/Sare Maxamed Adan Koofi ayaa magalada Garoowe si wada jir ah uga furay Shirka Sedax billaha ah ee Hayโ€™adda Socdaalka oo markii ugu horeysay Garowe lagu qabtay.Agaasimaha guud Hayโ€™adda Socdaalka ayaa sheegay in uu bilowday shirar sedax bilaha ah oo ay Hayโ€™adda ku qabaneyso xarumaha ay ku leedahay laamaha dowlad goboleedyada, isagoo intaa raaciyay in magalaada Garoowe ay nasiib u heshay in shirkii ugu horeyay lagu qabto.Shirkan oo ay ka soo qeybgaleen agaasimayaasha laamaha Hayโ€™adda ee dowlad goboleedyada dalka, waxa uuna socday laba casho waxaana ka soo baxay natiija wax ku ool ah. Waxyaabihii laga naaqishayeyna si weyn la isugu af gartay.

Dowladda Soomaaliya Oo Mar Labaad Xabsiyada Libya Ka Soo Daysay Dhallinyaro Soomaaliyeed.

07/03/2018- Dowladda Soomaaliya ayaa maxaabiis hor leh ka soo daysay xabsiyada Dalka Libya. 13 dhalinyaro ah oo laga soo daayay Xabsiyada ku yaala Dalka Liibiya oo ay kula soo kulmeen Dhibaatooyin badan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.Qaar kamida dhalinyaradda Dalka dib loogu soo celiyey ayaa sheegay in Xabsiyada Liibiya ku xiran yihiin Dhalinyarado badan oo Soomaaliyeed ayna la kulmaan dhibaatooyin uu jirdil ugu horeeyo.Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa dhowr jeer oo horeย  qaar kamida Dalalka Caalamka ay ka soo deysay dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa, waxaana Dalalkaas kamid ah Ethiopia, India, Jaziirada siishalis iyo Dalka Libya waxaana sidoo kale jira Qorshayaal kale oo Dowladdu wado kuwaas iyana lagu soo deynayo Dhalinyaro ku xiran Dalal kale oo Caalamka ah.

Raโ€™Iisul Wasaare Ku Xiggeenka Xfs Oo Daahfuray Munaasabadda Dejinta Siyaasadda Qaran Ee Sportiga.

07/03/2018-Raโ€™iisal wasaare ku xiggeenka dalka Mudane Mahadi Maxamed Guuleed, ayaa daahfuray munaasabadda dajinta siyaasadda Qaran ee horuimarinta cayaaraha iyo dardargalinta qorsha hawleedka sanadkan 2018-da.Daahfurka dajinta siyaasada qaran ee ciyaaraha dalka oo ay soo agaasintay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo ay kasoo qeyb galeen wakiilo ka socda dowladda goboleedyadda dalka, gobolka Banaadir iyo bahda Sportiga, ayaa loogu talo galay in lagu xoojiyo hormarinta dhalinyaradda ciyaaraha, waxaana daah furay raโ€™iisul Wasaare ku xiggeenka dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Ayaa Daah Furay Wajiga 1aad Ee Mashruuca Dib u Dhiska Magaalada Muqdisho

07/03/2018-Guddoomiyaha gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa daah furay wajiga 1aad ee mashruuca dib u dhiska magaalada Muqdisho oo ay maal gelinayso Dawladda Jarmalka.Wajiga koowaad ee Mashruucan oo ku bilaaban doonaa dhismaha 19 waddo oo laga hirgelin doono Degmooyinka Xamerweyne, Shingaani, Cabdicasiis, Xamar-jajab, Hawlwadaag, Boondheere, Warta Nabada iyo barnaamijyo qeyb ka qaadanaya shaqo abuurka dhalinyarada ayaa waxaa daah furkiisa qeyb ka ahaa Safiirka Dawladda Jarmalka ee Soomaaliya Marwo Jutta Gisele Frasch.

DHAMMAAD

WASAARADDA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIISKA

 

Previous Post

Maamuulka gobolka banaadir oo ku wargalinaya shirkadaha qandaraaslayasha in uu furmayo tartaan qandaraas oo lagu dayactirayo lix xafiis

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkat Gourad

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkat Gourad

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida R/Wasaarihii hore ee Jabuuti Marxuum Barkat Gourad

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

๐๐š๐ง๐๐ก๐ข๐ ๐ ๐š ๐–๐š๐ฑ๐ช๐š๐›๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง-๐๐š๐ซ๐š๐ง (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“)

September 17, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqday qaybta ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

September 17, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya...

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga oo kulan la qaatay Madaxa Afooyinka ee Midowga Yurub

September 17, 2025
0

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Axmed Xuseen Cilmi, ayaa kulan la qaatay Madaxa U Adkeysiga Afooyinka ee Midowga Yurub,...

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

Taliyaha CXDS iyo Guddoomiyaha SoDMA oo ka wada hadlay cimilada iyo dib-u-xoreynta dalka

September 17, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, iyo Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ka wada hadlay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In