Milatariga Kuuriyada Koonfureed, ayaa sheegay in subaxnimadii hore ee maanta, Kuuriyada Waqooyi ay dhowr Gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku ridday Xeebaha ย bari ee dalkaasi.
Pyongyang, ayaa maalinnimadii shalay sheegtay in aan loo dulqaadan karin daandaansiga iyo dhoolatuska milateri ee ay sida wada jirka ah u wadaan Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.
Taliyaha guud ee Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay 10 Gantaal oo noocyo kala duwan ah ku soo ridday Jihooyinka bari ee dalkiisa, kadib markii digniin Cirka ah laga soo saaray jasiiradda Ulung.
Gantaallada ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaceen meel 26 kilomitir dhanka koonfurta ka xigta khadka ay laba dal ku muransanyahiin ee ku yaala xuduudka badda ee u dhexeeysa labada Kuuriya.
Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa Isniintii billaabay dhoolatus ballaaran oo ay si wadajir ah u sameeynayeen militariga laba dal, kaasi oo la sheegay in uu socon doona illaa Jimcaha soo socda.