Tuesday, October 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Kuwait oo sheegtay in ay qaban doonto shir waxbarashada Soomaaliya looga hadli doono

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Kuwait oo sheegtay in ay qaban doonto shir waxbarashada Soomaaliya looga hadli doono
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka hogaamiyeyaasha jaamacadda Carabta oo  lagu qabtay  caasimadda dalka Mauritania ee Nouakchott ayaa laga soo saaray war-murtiyeed gunaanadkii shirka, kaas oo arimaha Soomaaliya lagu soo qaaday.

War-murtiyeedka shirka ayaa lagu amaanay dadaalada horumarineed ee ka socda Soomaaliya, iyadoo Soomaaliya shirkaas ugu qeybgalay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Mudane C/salaam Hadliye Cumar.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026

Wasiirka arimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga Soomaaliya, mudane C/salaam Hadliye Cumar oo la hadlay wakaalada wararka ee dalka Mauritania ayaa sheegay in Soomaaliya shirkan ugu faa’ideysan doonto wax ka qabashada dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweynaha dalka Mauritania, Maxamed Weled C/cziiz oo shirka martigeliyay ayaa bogaadiyay dadaalada ay wadaan shacabka iyo madaxda Soomaalida ee ku aadan soo celinta nabadda iyo xasiloonida wadanka.

Maxamed Weled C/caziiz, madaxweynaha dalka Mauritania ayaa sidoo kale amaanay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM shaqada ay ka hayaan Soomaaliya taas oo ah xaqiijinta amniga iyo nabadgeliyada wadanka geeska Afrika ku yaala ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in wadamada jaamacadda Carabta ugu baaqayo in ay kordhiyaan taageerada ay siiyaan walalahooda Soomaaliyeed si ay ugu soo kabtaan dhibaatadii ay soo mareen mudadii ka badneyd 25 sano.

Dhanka kale, Amiirka dalka Kuwait, Amiir sabaax Axmed Al-jaabir Al-sabaax uu sheegay in dhowaan dalkiisa lagu qaban doono shir looga hadlayo horumarinta hey’adaha waxbarashada Soomaaliya.

Shirkan oo ahaa kii 27 aad ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha ka jira wadama Suuriya, Ciraaq, Yemen, Falastiin iyo wadamo kale oo ka tirsan jaamacadda Carabta oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo Shabaab ka Saaray Awdheegle.

Next Post

Qarax weyn oo saaka Muqdisho ka dhacay

Next Post
Qarax weyn oo saaka Muqdisho ka dhacay

Qarax weyn oo saaka Muqdisho ka dhacay

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Safiirka Sacuudiga u Fadhiya Soomaaliya

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa xafiiska...

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

Galmudug oo digniin kasoo saartay roobab dabeylo wata oo lafilayo inay dalka ka da’aan

October 4, 2026
0

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Galmudug, gaar ahaan Waaxda Hydrometeorology, waxay soo saartay saadaasha roobabka ee muddada 04 ilaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In