Wednesday, January 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

La heystayaal udhashay Dalka Thailand oo maanta laga dhoofiyay Galkacyo “Sawiro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
La heystayaal udhashay Dalka Thailand oo maanta laga dhoofiyay Galkacyo “Sawiro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ajaanibtaan oo ahaa ilaa iyo 4 nin oo ka mid ahaa ajaanib farabadan oo ay kooxo burcad badeed ahi afduub ugu heystaan deegaano ka tirsan Gobalka Mudug ayaa duhurnimadii maanta laga dhoofiyay Garoonka  diyaaradaha OSHACO ee magaalada Galkacyo kadib markii maasuuliyiin ka tirsan Galmudug oo gacan ka helayay Hay’adda ladagaalanka dambiyada
iyo daroogada uqaabilsan qaramada midoobay ee UNODC ay ku guuleeysteen dadaalo dheer iyo wada xajood ay la galeen kooxihii heystay in ay soo daayaan

Afartab udhashay dalka Thailand ayaa gacanta burcad badeed Soomaaliyeed ku jiray 4sano iyo 10bilood oo ay ku heysteen deegaano hoostaga deegaanka Garacad iyo Dagmada xaradheere ee Gobalka Mudug.

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Ajaanibtaan ayaa waxaa garoonka diyaardaha OSHACO ee Magaalada Galkacyo ka qaaday diyaarad qaas ah oo ay leeyihiin qaramada midoobay taasoo ay la socdeen saraakiil ka socatay Hay’adda ladagaalanka dambiyada iyo daroogada uqaabilsan qaramada midoobay ee UNODC safiirka dowlada Thailand ufadhiya Dalka Kenya iyo qaar ka mida ehelada 4tan ruux ee ay burcad badeedu mudada dheer xaqdarada ku heysteen.

Agaasimaha xafiiska  la dagaalanka Burcad badeeda Dowlad Gobaleedka Galmudug Abuukaate Cumar Sheekh Cali oo isagu ka mid ahaa masuuliyiintii kaalinta weyn ka qaatay in ajaanibtaan  ay xoriyadooda helaan ayaa sheegay xilli uu warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka OSHACO ee magaalada Galkacyo ka hor intii aysan ka ambabixin Ajaanibtaan udhashay Dalka Thailand ee waqtiga dheer afduubka loo heysta. in ay ugaleen dadaal dheer masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug xafiiska xafiiska  la dagaalanka Burcad badeeda maamulka  Galmudug iyagoo kaashanayay Hay’adda ladagaalanka dambiyada iyo daroogada uqaabilsan qaramada midoobay ee UNOD.

Wuxuu xusay dhibaatooyin iyo caqabado farabadan ay kala kulmeen intii ay socdeen howlaha lagu raadinayay in ajaanibtaan ay helaan xoriyadoodii kuwaasoo ay ka mid ahaayeen in dhowr jeer lagu weeraray meelo ku dhaw dhaw deegaanka camaara ee gobalka mudug oo dadkaasi lagu heystay labadii sano ee udanbeeysay.

Wasiirka wasaarada kaluumeysiga kheyraadka Badda iyo dakadaha Galmudug C/qaadir Cali Jaamaca Qalabxoor oo isna sidoo kale kula hadlay warbaahinta Garoonka ayaa sheegay in aysan marnaba suurta gal noqan laheyn in ajaanibtaan ay xoriyadooda helaan kadib 4sano iyo 10 bilood oo ay ku jireen gacanta kooxo burcad badeed ah haddii aysan gacan ku siin laheyn Hay’adda ladagaalanka dambiyada iyo daroogada uqaabilsan qaramada midoobay ee UNODC isagoo dhinaca kalana ka codsaday Hay’adaasi in ay ka gacan siiyaan Galmudug dhismaha xabsiyo iyo saldhigyo lagu hayo dhalinyaradaka tirsan  kooxaha biurcad badeeda marka lasoo qabto maadaama Galmudug aysan xiligaan ku oolin saldhigyo iyo xabsiyo waaweyn oo lagu hayo maxaabiista.

Inkastoo masuuliyiinta Galmudug iyo kuwa xafiiska la dagaalanka burcad badeeda Galmudug aysan sheegin wax lacag madaxfurasha ah oo la siiyay kooxihii burcad badeedaa ee afduubka u heystay 4tan ruux ee udhashay Dalka Thailand ayaa haddana wararka qaarkood ee laga helayo deegaanadii lagu heystay ajaanibtaan waxa ay sheegayaan in kooxihii
burcad badeeda ahaa la siiyay lacag madax furasha ah oo Gaareeysa ilaa 400’000$ Afar Boqal oo kun oo doolar.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed

Sawirqaade C/risaaq Maxamed Axmed 

Previous Post

Wasaaradda amniga oo ka hadashay qaraxyo dheemish ah oo lagu qal qal gelinayo amaanka (War-saxafadeed)

Next Post

HA QARSAN DAMBIILAHA!!! “WAA FAALO XIISO BADAN”

Next Post
HA QARSAN DAMBIILAHA!!! {WAA FAALO XIISO BADAN}

HA QARSAN DAMBIILAHA!!! “WAA FAALO XIISO BADAN”

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐀𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐚𝐫𝐜𝐢𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐚𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐀𝐠𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐭𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐚𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝

January 27, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In