Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
La taliyaha Madaxweynaha iyo masuulyiin ka tirsan Galmudug oo Dadaal nabadeed ka Wada Magaalada Cadaado

?

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wadahadalaadaan Dib uheshiisiinta ah   ee lagu dhexdhexaadinayo   Dhinacayada  Beela ku dagaalamay  Deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud   ayaa waxaa  Garwadeen ka ah   Dawlada Dhexe ee Soomaalia  oo uu kumatalayo  La taliyaha Madaxweeynaha  ee Dhinaca diinta  iyadoo Maamulka  Galmudug  oo doorweeyn kuleh  wadahadaladaasi ay uga qaybgaleen Wasiirka Dastuurka iyo  wasiiru dawlaha Arrimaha Gudaha iyo  dawladaha  hoose .

Waxaa  lagu  Guulaystay in Gogol nabadeed  loo Fidiyo  waxgarada  iyo odayaasha Beelahii ay  xiisadu udhaxaysay  iyadoo la isku afgartay in wadahadal  lagu  xaliyo  waxyaabaha qilaafaadka dhaliyay si nabad ah islamarkaana la dhaqangaliyo dadaalada Nabadda  ee Bulshada  labada Dhinac.

Related posts

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026

Sheekh Abuubakar  Bashiir Cabdulaahi  La taliyaha Madaxaweeynaha ee dhinaca diinta  ayaa   sheegay  in  Deegaan  udhaxeeya  Caabudwaaq   iyo cadaado   oo   ka Tagaanayd xisad  beeleed   u dhaxaysa dadka degaanka   ay ku guulaysteen inay xaliyaan  aydoo Dadaalo  lagu dhamaystiraayo    nabadaynta  Beelahaasi  ay ka bilaaben    Magaalada  Cadaado   La  taliyaha  ayaa  intaa ku daray    inay  kulan   uqabteen   odayaasha iyo waxgaradka Labada dhina ee  Dagaalamay.

Maamulka Galmudug  ayaa  dadaaladaasi nabadeed door ku lahaa  Wasiiru Dawlada Wasaarada arrimaha  Gudaha iyo Dawlaha   hoose  ee Galmudug  Cumar maxamad  diiriye Guureeye  ayaa   bogaadiyay   Dadaaladii socdaalka Nabadda ee Madaxweeynaha Soomaaliya uu Ku maray Degaanada Maamulkaasi  Gaar ahaan   Dhagaxdhigga ,mashaariic horumarineed  oo  hirgalinteeda ay ka socdaan   Magaalada hobyo .

 Cumar  Maxamed Diiriye    ayaa  intaa ku  daray     in kulankii Maanta la isku afgartay  in  Dhamaan Deegaanada  Miyiga ah oo ku soo  noqnoqdeen xisadaha  ka dhasha  dhul daaqsin  ay odayaasha iyo waxgaradka Deegaanku ku baxaan si  xal Nabadeed looga Gaaro oo kama danbays ah  waxii ka danbeeyana   Gogol nabadeed oo lagu soo afjarayo xisadahaasi  loo qabto  Golaha  Guurtida Deegaanada ay  dirirtu ka dhacday  ee Caabudwaaq iyo cadaado .

 Maxamed  Cabdi  Colaad oo ah  Wasiirka  dastuurka iyo dib uheshiisiinta Galmudug  ayaa   uga Mahaceliyay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Soomaaliya  doorkiisa ku Aadan Dadaalada Nabada  ee bulsho weeynta Galmudug  waxana uu sheegay  in wafdiga  madaxweeynaha  uu  uxilsaaray Hawlaha Nabadaynta  ay ku  guulaysteen  in la  dardargaliyo Qorshaha  Nabadaynta  Gobolka  galgaduud   waxaa uu intaa Ku daray in odayaasha  iyo waxgaradka Beelahii  ay isku afgarteen in  loo Hiiliyo  Nabadda  bulshada .

Previous Post

MAQAAL:- Canshuurta Yaa ku gar leh

Next Post

Dhegeyso Barnaamjika Wadajir +Sawirro

Next Post
Dhegeyso Barnaamjika Wadajir +Sawirro

Dhegeyso Barnaamjika Wadajir +Sawirro

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta...

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

February 19, 2026
0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho...

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

February 19, 2026
0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In