Saturday, February 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQS”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQS”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

La-taliyaha Amniga Qaranka mudane Xuseen Macalin ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamaadka sanadkan isla markaana howlgalka cusub uu noqon doono mid waqti cayiman leh oo dowladdu go’aamineyso.

Mudane Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmamay in haatan ay dalka ka baxeen sagaal kun askari oo qeyb ka ahayd howlgalka ATMIS, inta dhimana dhamaadka bisha December ay dalka ka bixi doonaan.

Related posts

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

“Waqti dheer ayay ciidamada dalalka Midowga Afrika ka howlgalayeen dalka tan iyo 2007dii, Mission kii koowaad waxa uu ahaa AMISOM, waxaana uu ku ekaa 2022kii, waxaana ku xigay ATMIS oo hadda gabagaboobaya December 31” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Mudane Xuseen ayaa xusay in howgal ka cusub uu yahay mid waqti kooban ah, isla markaana muhiimaddiisu tahay sida ay dowladdu uga farxalan laheyd Khawaarijta, qorshahaas oo 12-ka bishan loo gudbin doono golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo ansixiyo howlgalkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka Cusub ee AUSSOM waxa uu ku yimid codsi ay DFS gudbisay kadib bixintaanka ATMIS, Waxaana howlgalkaan uu taagero muddo kooban sinayaa Ciidanka Qaranka, tirada ciidanka howlgalkaana waa mid kooban.”

Mar uu ka hadlayay waxa uu kaga duwanyahay howlgalkii hore ayuu yiri “Wuxuu uga duwanyahay howlgakan kii hore, waxaa ka wada howgallaya labada ciidan si wadajir ah. Xirfadda iyo agabka ay heystaan lagu sii tababaro ciidanka Xoogga, si kala wareegga u fududaado marka aan ka maarano”.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa tilmaamay in howlgalkan cidda ka qeyb-galeysa ay u madax banaantahay dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in marka heshiiskan cusub la soo ansixiyo, ay heshiisyo gaar gaar ah dowlada la gali doonto dowladaha howlgalkan ka qeyb-qaadan doona.

“Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo fadhiyay shirka Midowga Afrika ee lagu ansixiyay howlgalkan cusub ayaa sheegay inay daneynayaan inay howlgalkan qeyb wayn ka qaataan, waxaana jira kuwa badan oo iyana daneynaya waxaana go’aan laga gaari doonaa marka Golaha Ammaanka ansixiyo heshiiska”.ayuu mudane Xuseen Macalin hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah 

Next Post

Maxaa ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda?

Next Post
Maxaa ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda?

Maxaa ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda?

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

Tartamayaasha Daarusalaam oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka

February 21, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In