Tuesday, January 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQS”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
1 year ago
in Wararka
0
La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka cusub waxa uu taageero muddo kooban siinaya CQS”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

La-taliyaha Amniga Qaranka mudane Xuseen Macalin ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu ku egyahay dhamaadka sanadkan isla markaana howlgalka cusub uu noqon doono mid waqti cayiman leh oo dowladdu go’aamineyso.

Mudane Xuseen Macalin oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmamay in haatan ay dalka ka baxeen sagaal kun askari oo qeyb ka ahayd howlgalka ATMIS, inta dhimana dhamaadka bisha December ay dalka ka bixi doonaan.

Related posts

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

January 6, 2026
Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026

“Waqti dheer ayay ciidamada dalalka Midowga Afrika ka howlgalayeen dalka tan iyo 2007dii, Mission kii koowaad waxa uu ahaa AMISOM, waxaana uu ku ekaa 2022kii, waxaana ku xigay ATMIS oo hadda gabagaboobaya December 31” ayuu yiri La-taliyaha Amniga Qaranka.

Mudane Xuseen ayaa xusay in howgal ka cusub uu yahay mid waqti kooban ah, isla markaana muhiimaddiisu tahay sida ay dowladdu uga farxalan laheyd Khawaarijta, qorshahaas oo 12-ka bishan loo gudbin doono golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, si loo ansixiyo howlgalkan.

La-taliyaha Amniga Qaranka “Howlgalka Cusub ee AUSSOM waxa uu ku yimid codsi ay DFS gudbisay kadib bixintaanka ATMIS, Waxaana howlgalkaan uu taagero muddo kooban sinayaa Ciidanka Qaranka, tirada ciidanka howlgalkaana waa mid kooban.”

Mar uu ka hadlayay waxa uu kaga duwanyahay howlgalkii hore ayuu yiri “Wuxuu uga duwanyahay howlgakan kii hore, waxaa ka wada howgallaya labada ciidan si wadajir ah. Xirfadda iyo agabka ay heystaan lagu sii tababaro ciidanka Xoogga, si kala wareegga u fududaado marka aan ka maarano”.

La-taliyaha Amniga Qaranka ayaa tilmaamay in howlgalkan cidda ka qeyb-galeysa ay u madax banaantahay dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa ku daray in marka heshiiskan cusub la soo ansixiyo, ay heshiisyo gaar gaar ah dowlada la gali doonto dowladaha howlgalkan ka qeyb-qaadan doona.

“Dowladaha Masar iyo Jabuuti oo fadhiyay shirka Midowga Afrika ee lagu ansixiyay howlgalkan cusub ayaa sheegay inay daneynayaan inay howlgalkan qeyb wayn ka qaataan, waxaana jira kuwa badan oo iyana daneynaya waxaana go’aan laga gaari doonaa marka Golaha Ammaanka ansixiyo heshiiska”.ayuu mudane Xuseen Macalin hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

 

 

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah 

Next Post

Maxaa ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda?

Next Post
Maxaa ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda?

Maxaa ka soo baxay shirka horumarinta hannaanka Maaliyadda?

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

Ciidanka Xoogga dalka oo howlgal ka dhacay Gedo ku dilay dhagarqabayaal

January 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay howlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo ka dhacay deegaanka Ceel-Cilaan, oo...

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu meel mariyay sharciyo muhiim ah

January 5, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa looga hadlay xaaladda guud ee amniga...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Golaha Wasiirrada uga warbixiyay Xaaladda Abaareed ee Dalka

January 5, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigay warbixin rasmi ah oo ku...

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

Somali FM Discusses with Indonesian Counterpart to Uphold Somalia’s Sovereignty

January 5, 2026
0

The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held a telephone conversation on Monday with his...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In