Ciidanka boliiska magaalada Beledweyne ayaa gacanta ku dhigay dhalooyin uu ka buuxo maandooriyaha Qamriga oo gaaraya illaa 197 dhalo,kuwaas oo loo waday magaalada Muqdisho waxaana lagu qariyay xaaqin.
Laamaha amniga ayaa Qamrigaan ku gubay goob fagaaro ah oo ay ku sugnaayeen masโuuliyiinta gobolka oo ay ugu horreeyaan maayarka magaalada,guddoomiyaha maxkamadda gobolka,taliyaha saldhigga boliiska Beledweyne iyo taliyaha qeybta boliiska gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha maxkamadda gobolka C/raxiin Taakoy iyo maayarka magaalada ayaa boggaadiyay shaqada ay qabteen ciidanka boliiska magaalada Beledweyne.
Laamaha ammaanka ayaa sheegay in maxkamadda loo gudbin doono eedeysanayaashi lagu soo qabtay maandooriyahaan halista ku ah bulshada.