Friday, April 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Laanta hay’adda NIRA ee Hirshabelle oo si rasmi ah loo daahfuray

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
9 months ago
in Wararka
0
Laanta hay’adda NIRA ee Hirshabelle oo si rasmi ah loo daahfuray
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa galabta lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), xubno ka kala tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Dowladda Hirshabeelle, Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Xeer-ilaaliyaha Guud, Duqa magaalada Jowhar iyo marti-sharaf kale.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA Cabdiweli Cali Cabdulle (Tima-cadde) ayaa tilmaamay laanta ay ka hirgeliyeen Hirshabeelle inay si weyn ugu adeegi doonto bulshada.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle ayaa goobta lagu guddoonsiiyey aqoonsiga rasmiga ee muwaadinimo.

“Aqoonsiga muwaadinimo qaadashadiisa waxa uu laf-dhabar u yahay adeeg walba oo aad u doonaneysaan xafiisyada Dowladda, waxaa lagama maarmaan ah inaad xilli hore qaadataan.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabeelle ayaa kula dardaarmay howlwadeennada NIRA ee Hirshabeelle inay si hufan ugu adeegan shacabka aqoonsiga u soo doonan doono.

Previous Post

Wasiir Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay safiirka dalka Talyaaniga ee Soomaaliya

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee ay wada gaareen Dowladda DRC iyo kooxda hubeysan ee M23

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee ay wada gaareen Dowladda DRC iyo kooxda hubeysan ee M23

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo gaaray Caasimadda Liibiya ee Tripoli

April 9, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli, caasimadda...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS  oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

Wasiirka Wasaaradda Qoyska XFS oo kormeertay xarunta Tuullada Carruurta SOS

April 9, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta kormeer howleed ku tagtay xarunta Tuullada...

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

Madaxweynaha JFS oo u hambalyeeyay Garsoore Cumar Cartan oo ka mid noqday garsoorayaasha koobka Adduunka

April 9, 2026
0

Madaxweynaha JFS, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo u diray Garsoore Cumar Cabdulqaadir Cartan, kadib markii uu noqday garsoorihii...

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

Raktarka Jaamacadda Ummadda oo ka qeybgalay shir muhiim ah

April 9, 2026
0

Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Maxamed, ayaa ka qayb galay shir muhiim ah oo ku saabsan isbeddellada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In