Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Mudug ee Puntlad ayaa maanta la horgeeyay labo eedaysane oo kala ah Jaamac Maxamed Yuusuf iyo Liibaan Maxamed Yuusuf kuwaas oo lagu soo eedayay inay dileen Allaha u naxaristee marxuumad Naciimo Cabduwali Cismaan dilkaas oo ka dhacay miyaga tuulada Daarusalaam ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug 18ki bishii 4aad ee sanadkan 2023
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Waalidiinta labada dhinac, dhagaystayaal iyo marti sharaf kale
Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Maxkmadda Darajada koowaad ee Gobolka Cabdinaasir Maxamed Cali oo furay fadhiga maxakabafda,
Xeer ilaaliyaha gobolka Mudug Shamso Bile Siciid ayaa soo gudbisay eedda xeer ilaalinta ku aadan kiiskaan loo haysto eedaysanayasha kala ah Jaamac Maxamed Yuusuf iyo Liibaan Maxamed Yuusuf.
Sido kale waxaa ayaguna halkaasi ka hadlay qareenada u dodayay eedaysanayasha
Qaar ka mid ah markhatisha kiiskaan iyo labadi eedaysane ee loo haystay kiiskaan dilka ah ayaa ayaguna ka hadlay dhankooda Maxkamadda.
Ugu danbeyna waxaa soo xirey oo mudeeyay xiliga kale ee loo balamay Guddoomiyaha Maxkmadda Darajada koowaad ee Gobolka Mudug ee Puntland Cabdinaasir Maxamed Cali