Tuesday, April 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Caafimaadka XFS òo la wareegtay mas’uuliyadda sanadka tababarka ah ee ardayda Caafimaadka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Caafimaadka XFS òo la wareegtay mas’uuliyadda sanadka tababarka ah ee ardayda Caafimaadka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa maanta Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku qabsoomay kulan  lagu go’aamiyay in Wasaaradda Caafimaadka ay la wareegtay mas’uuliyadda Barnaamijka sanadka tababarka ah ee ay ardayda Caafimaadka maraan (internship year), iyadoo Wasaaraddu bixin doonto shahaadada Internshipka, kulankaas oo ay kasoo qeyb galeen Masuuliyiin ka socday Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare, Agaasimayaasha Isbitaalada danta guud, Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed, howl wadeenada iyo lataliyaasha Wasaarada caafimaadka.

kulanka waxaa shir guddoominayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadam waxa uuna sheegey in ay muhiimad gaar ah u leedahay mideynta iyo isku duwida barnaamijka internshipka, waxaa uu sidoo kale sheegay in la sameyn doono manhaj loogu talo galay sara u qaadidda aqoonta ardayda maraysa internshipka ,wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Ardayda dhameysato sanadka tababarka ah kana gudubto Imtixaanka ay Wasaarada diyaarisay ay siin doonaan internship certificate, Wasiirka ayaa si lamid ah sheegay in ay qorsheenayaan in Ardayda loo kala diri doono gobalada dalka si ay ugu soo qaataan internshipka.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

Dr Maxamed Maxamuud Biday oo ah Guddoomiyaha Midowga Jaamacadaha Soomaaliyeed ayaa sheegay in dhankooda ay soo dhaweynayaan isla markaana garab istaagayaan la wareegidda Wasaaradda caafimaadka ee barnaamijka sanadka tababarka ah ee ay ardayda caafimaadka maraan (internship year), wuxuu sidoo kale adkeeyay in ay si dhow ula shaqeyn doonaan Wasaarada si loo hergeliyo howshan muhiimka ah, profka ayaa soo dhaweeyay in ardayda looga faa’iideysto isbitaalada kuyaala gobolada dalka .

Agaasimaha Hidaha iyo tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashadda mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in hadda kadib Tasdiiqinta shahaadooyinka Ardayda ka qalin jabisay kuliyadaha Caafimaadka ee Jaamacadaha dalka lagu xiri doono shardi ah in ay la yimaadaan shahaadada Internshipka Wasaaradda Caafimaadka, agaasimaha ayaa cadeeyey in ay taageerayaan howshan ay Wasaaradda caafimaadka la wareegtay isla markaana kala shaqeynayaan  habeynta manhajka caafimaadka dalka ee ay Jaamacadaha bixiyaan.

Dr Cabdirisaaq Jalaludin agaasimaha Isbitaal Martiini iyo Dr Fartuun Shariif agaasimaha Isbitaalka Banaadir ayaa sidoo kale sheegey in ay arrinta si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan isla markaana diiradda ay saari doonaan qodobada muhiimka ah ee kasoo baxay kulankan.

Dhankiisa Dr Cabdirisaaq Axmed Wayel madaxa Tababarada iyo internshp-ka Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegay in ay diyaariyeen habraacyo mideysan oo ay dhamaan ardayda internshipka maraysa ku howl gali doonaan, sidoo kale wuxuu sheegay in isbitaalada lagu sameynayo internshipka loo sameyn doono criteria lagu xulan doono, Dr Abdirizak ayaa sheegay in ardayda ay u sameyn doonaa tababar joogta ah xiliga lagu jiro internshipka iyadoo lagu tababari doona habraacyada wadanka uu leeyahay ee quseeya daweynta iyo ka hortaga cudurada.

Ugu danbeyn Wasiir Cali Xaaji ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku biirtay heshiiska Human Capital Development, taasoo looga gol leeyahay in sara loogu qaado xirfadda Bahweynta Caafimaadja,  si taasi u suurtagashana ay  Wasaaraddu qorsheyneyso dhisidda Xarun lagu sameeyo tababarada caafimaad.

 









Previous Post

Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka oo la shiray Wasiirka Maaliyadda iyo Hantidhowraha Qaranka

Next Post

Labo eedeysane oo la soo taagay Maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Next Post
Labo eedeysane oo la soo taagay Maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug “SAWIRRO”

Labo eedeysane oo la soo taagay Maxkamadda darajada koowaad ee Gobalka Mudug "SAWIRRO"

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In