Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Laftagareen oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Laftagareen oo ka tacsiyeeyay geerida Wasiirka Caddaaladda Koonfur Galbeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiranyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeed ee uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed oo maanta Argigixisada Al-Shabaab ay ku Dileen Qarax ka dhacay Magaalada Baydhabo.

 

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Lugbuur uu ahaa Halyeey waqti badan soo galiyay dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Koonfur Galbeed, isaga oo si gaar ah u xusay doorkii wanaagsanaa ee uu kulahaa inta uu Xilalka kala Duwan uu qabtay sida uu ugu Adeegay Bulshada Soomaaliyeed,hada oo uu ahaa Wasiirka Cadaalada Koonfur Galbeed uu si wanaagsan uga qeyb qaadanayey U-adeegida Bulshada Koonfur Galbeed.

 

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Sheekh Xasan Ibraahim (Lugbuur) oo ahaa Wasiir,aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Koonfur Galbeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya si gaar ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed ayaa Door la taaban karo kulahaa Marxuum lugbuur”.

 

Madaxweyne Laftagareen ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo,inta ku dhaawacantayna Alle uga bariyey inuu ubooga dhayo.

 

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Previous Post

Urur Goboleedka IGAD oo shir heerkiisu sareeyo ku qabtay Muqdisho

Next Post

Maxay Kenya ugu hanjabtay shirkadda Facebook?

Next Post
Maxay Kenya ugu hanjabtay shirkadda Facebook?

Maxay Kenya ugu hanjabtay shirkadda Facebook?

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In