Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee, Abwaan Maxamed Xasan Cusmaan Canjeex oo xalay Magaalada Baydhabo ku geeriyooday.
Madaxweyne Laftagareen ayaa xusay in Marxuum Canjeex uu ahaa abwaan iyo nabaddoon lagu yiqiin samadoonnimo, waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo door lama illaawaan ah ka qaadan jirey wacyigelinta bulshada, nabadaynta, Dowlad-dhiska Dalka.
โAlle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Xasan Cusmaan Canjeex waxaa uu ahaa haldoor, abwaan iyo nabaddoon bulshada ka wacyi gelin jirey aafada qabyaaladda, kala tagga iyo aayo-xumada colaadaha, waxaana uu mar walba ku baraarujin jirey taageerada dowladnimada, midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Waxaan xanuunka tacsida la qaybsanayaa ehelka Marxuumka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.โ
Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuum Canjeex Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, Ehelka iyo Qaraabadana Samir iyo iiman ka siiyo.