Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Lataliyaha Amniga Qaranka oo khudbad ka hadlaysa marxaladda amni ee dalka u jeediyay golaha Ammaanka QM

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Lataliyaha Amniga Qaranka oo khudbad ka hadlaysa marxaladda amni ee dalka u jeediyay golaha Ammaanka QM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Cabdi Saciid Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa khudbad ka jeediyay kulan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeesheen xaaladda Soomaaliya.

Cabdi Saciid waxa uu sheegay in meel wanaagsan uu marayo qorshaha dhismaha ciidanka Qaranka iyo dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab si looga ciribtiro guud ahaan dalka.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Wuxuu uga mahad celiyay kaalinta beesha caalamka ee dhismaha ciidanka iyo doorka Howlgalka AMISOM ee la dagaallanka argagixisada.

Qorshaha la wareegidda ciidanka Qaranka ee Amniga dalka mar uu soo hadal qaaday wuxuu sheegay in qorshahani yahay mid Soomaalidu leedahay, iyadana hogaaminayso wuxuu Qaramada Midoobay iyo saaxiibada Soomaaliya uga mahadceliyay sida ay u taageerayaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo beesha caalamka ayuu tilmaamay in looga baahan yahay in ay iskaashaadaan si loo xaqiijiyo hadafka dhismaha ciidan Qaran oo awood u yeesha in dalka amnigiisa ka wareegaan dhammaadka 2023.

Cabdi Saciid Lataliyaha Amniga Qaranka ayaa intaa ku daray in ay muhiim tahay kordhinta waqtiga Howlgalka AMISOM si ay qeyb ugu noqdaan qorshaha bilaabanaya 2022 ee  ciidanka Qaranka Soomaaliya ay kula wareegayaan amaanka dalka.

Ugu dambeyn beesha caalamka ayuu ka codsaday sii wadidda iyo  xoojinta taageerada ay siiyaaan Soomaaliya si ay cagaheeda ugu istaagto.

Previous Post

Gargaarkii ugu badnaa oo la gaarsiiyey danyarta iyo barakacayaasha ku nool Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Hotel Afrik oo markale dib loo furay “SAWIRRO”

Next Post
Hotel Afrik oo markale dib loo furay “SAWIRRO”

Hotel Afrik oo markale dib loo furay “SAWIRRO”

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In