Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Lix afgembi oo laba sano gudahood ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Lix afgembi oo laba sano gudahood ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ibrahim Traore, oo ah kabtan ka tirsan ciidamada Burkina Faso, ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqayin uu xilka ka tuuray hoggaamiyihii Burkina Faso, Paul-Henri Sandaogo Damiba.

Waa afganbigii lixaad oo ayCiidamada militariga ay ka sameyaan Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, muddo laba sano gudahood ah.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Ciidamada milatariga Burkina Faso, ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Roc Kabore bishii Janaayo ee la soo dhaafay, iyagoo ku eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu xakameeyo rabshadaha kooxaha xagjirka ah.

Hogaamiyihii afgambiga sameeyay, Gaashaanle Dhexe Paul Henry Damiba, ayaa ballan qaaday inuu soo celin doono ammaanka, balse weerarrada ayaa sii kordhay, taasoo keentay in markale uu dalkaasi ka dhaco afganbi milatari.

Qaar ka mid ah Saraakiisha millatariga Mali oo uu hoggaaminayo Asimi Gueta, ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta, bishii Ogosto 2020.

Inqilaabkan ayaa daba socday mudaaharaadyo dawladda lagaga soo horjeeda oo ka dhashay xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa, doorashooyinka sharci dejinta oo lagu muramay iyo eedaymo dhanka musuqmaasuqa ah.

Kadib Cadaadis uga yimid dalalka dariska la ah, ayaay ciidamada milatariga isku raaceen in ay xukunka ku wareejiyaan dowlad ku meel gaar ah, si ay doorasho dimoqraadi ah dalkaasi ugu qabtaan 18 bilood.

Ciidamada Chad, ayaa Xukunka la wareegay bishii Abriil 2021, ka dib markii madaxweyne Idriss Deby la dilay xilli uu booqanayay gooba ay ciidamada kula dagaallamayeen mucaaradka.

Sida uu dhigayo sharciga Chad, afhayeenka baarlamaanka ayaa noqonaya sii hayaha madaxweynaha, laakiin golaha militariga ayaa soo farageliyay oo kala diray baarlamaanka, General Mohamed Idriss Deby, ayaa loo magacaabay madaxweyne ku meel gaar ah, kaas oo loo xilsaaray inuu 18 bilood xukunka u sii haayo si ku meel gaar ah.

Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Guinea, Colonel Mamadi Domboya, ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Alpha Conde bishii Sebtembar 2021, kaasi oo bedelay dastuurka dalkaasi si uu mar saddexaad ugu tartamo doorashada, taasoo dhalisay rabshado baahsan.

Waxana madaxweyne ku meel gaar ah dalka ka noqday Domboya, kaasi oo balan qaaday in doorashooyin dimoqraadi ah uu ku qaban doono Sedax sano gudahood.

Previous Post

Generaal Biixi Oo Booqday Furimaha Dagaalka Ee Gobolka Hiiraan

Next Post

Maareeyaha Xarunta Gurmadka Degdega Ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Xilka La Wareegay

Next Post
Maareeyaha Xarunta Gurmadka Degdega Ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Xilka La Wareegay

Maareeyaha Xarunta Gurmadka Degdega Ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Xilka La Wareegay

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In