Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Lix afgembi oo laba sano gudahood ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Lix afgembi oo laba sano gudahood ka dhacay Galbeedka iyo Bartamaha Afrika
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ibrahim Traore, oo ah kabtan ka tirsan ciidamada Burkina Faso, ayaa Jimcihii shalay ku dhawaaqayin uu xilka ka tuuray hoggaamiyihii Burkina Faso, Paul-Henri Sandaogo Damiba.

Waa afganbigii lixaad oo ayCiidamada militariga ay ka sameyaan Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, muddo laba sano gudahood ah.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ciidamada milatariga Burkina Faso, ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Roc Kabore bishii Janaayo ee la soo dhaafay, iyagoo ku eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu xakameeyo rabshadaha kooxaha xagjirka ah.

Hogaamiyihii afgambiga sameeyay, Gaashaanle Dhexe Paul Henry Damiba, ayaa ballan qaaday inuu soo celin doono ammaanka, balse weerarrada ayaa sii kordhay, taasoo keentay in markale uu dalkaasi ka dhaco afganbi milatari.

Qaar ka mid ah Saraakiisha millatariga Mali oo uu hoggaaminayo Asimi Gueta, ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Ibrahim Boubacar Keïta, bishii Ogosto 2020.

Inqilaabkan ayaa daba socday mudaaharaadyo dawladda lagaga soo horjeeda oo ka dhashay xaaladda ammaan ee sii xumaanaysa, doorashooyinka sharci dejinta oo lagu muramay iyo eedaymo dhanka musuqmaasuqa ah.

Kadib Cadaadis uga yimid dalalka dariska la ah, ayaay ciidamada milatariga isku raaceen in ay xukunka ku wareejiyaan dowlad ku meel gaar ah, si ay doorasho dimoqraadi ah dalkaasi ugu qabtaan 18 bilood.

Ciidamada Chad, ayaa Xukunka la wareegay bishii Abriil 2021, ka dib markii madaxweyne Idriss Deby la dilay xilli uu booqanayay gooba ay ciidamada kula dagaallamayeen mucaaradka.

Sida uu dhigayo sharciga Chad, afhayeenka baarlamaanka ayaa noqonaya sii hayaha madaxweynaha, laakiin golaha militariga ayaa soo farageliyay oo kala diray baarlamaanka, General Mohamed Idriss Deby, ayaa loo magacaabay madaxweyne ku meel gaar ah, kaas oo loo xilsaaray inuu 18 bilood xukunka u sii haayo si ku meel gaar ah.

Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Guinea, Colonel Mamadi Domboya, ayaa xilka ka tuuray madaxweyne Alpha Conde bishii Sebtembar 2021, kaasi oo bedelay dastuurka dalkaasi si uu mar saddexaad ugu tartamo doorashada, taasoo dhalisay rabshado baahsan.

Waxana madaxweyne ku meel gaar ah dalka ka noqday Domboya, kaasi oo balan qaaday in doorashooyin dimoqraadi ah uu ku qaban doono Sedax sano gudahood.

 

Previous Post

Generaal Biixi Oo Booqday Furimaha Dagaalka Ee Gobolka Hiiraan

Next Post

Maareeyaha Xarunta Gurmadka Degdega Ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Xilka La Wareegay

Next Post
Maareeyaha Xarunta Gurmadka Degdega Ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Xilka La Wareegay

Maareeyaha Xarunta Gurmadka Degdega Ah Ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo Xilka La Wareegay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In