Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keydka Sawirrada

M.weyne Xasan Oo Shir Gudomiyay Kulan Gar ah Oo Looga Hadlayay Xasaradaha Dalalka Bariga Afrika+Sawiro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Keydka Sawirrada, Wararka, Xulashada
0
M.weyne Xasan Oo Shir Gudomiyay Kulan Gar ah Oo Looga Hadlayay Xasaradaha Dalalka Bariga Afrika+Sawiro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkan oo madaxda ka qeybgalaya uu ka mid yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa si rasmi ah u furtay Madaxa Guddiga Sare ee Midowga Afrika Nkosazana Dlamini Zuma.

Khudbad ay halkaasi ka jeedisay ayaa Madaxa Guddiga Sare ee Afrika Zuma, waxay sheegtay in dhammaan dalalka ku jira Midowga Afrika laga doonayo dardargelinta Hiigsiga 2063 ee horumarka qaaradda.

Related posts

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

Waxay xustey in Afrika ay dadaal weyn ugu jirto soo afjarista colaadaha weli ka jira Qaaradda, si horumar la taaban karo loo gaaro, caalamka intiisa kalena lala tartamo.

Mrs Zuma ayaa xusuusisey ย madaxda Afrika iyo dhammaan bulshoweynta Afrika inay xaqiijiyaan in qaaradda laga ciribtiro dhamman colaadaha marka la gaaro sannadka 2020-ka.

Waxay dhanka kale khudbadeeda bogaadin ugu jeedisay ciidammada nabad ilaalinta qaaradda Afrika ee mar walba taagan furumaha dagaalka, kuwaas oo dadaal ugu jira inay Afrika ka suuliyaan xabadda dhacaysa, una beddelaan goob nabadeed oo xasiloon, iyagoo weliba naftooda u huraya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon oo isna munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa soo dhoweeyay dadaalka qaaradda Afrika e dhanka horumarinta dimoqraadiyadda iyo nabadeynta ee Afrika ka socda.

Waxaa uu si gaar ah u xusey colaadaha ka aloosan Burundi iyo Koonfuurta Suudaan oo uu sheegay inuu taageerayo dadaalka Midowga Afrika ee ku aaddan xal u helista colaaddaasi.

Dhanka Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay Dadaalka ย AMISOM ee xasilinta dalka iyo taageerada doorashooyin si nabdoon uga dhaca dalka. Waxuuna dhaka kale so dhoweeyay horumarka dhanka siyaasadda ee Soomaaliya ka socda, gaar ahaan heshiiskii dhowaan ee Hanaanka doorashada 2016.

Dhinaca kale Ka hor intaanu furmin shir madaxeedka Midowga Afrika, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu guddoomiyay shir madaxeed gaar ah oo madaxda Bariga Afrika ee xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Degdegga ee gobolka.

Kulankaasi oo looga hadlayey xasaradda Burundi ayaa Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu ugu baaqey shacabka iyo dowladda Burundi in ay xal u helaan colaadda dalkooda ka taagan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in waddamada xubnaha ka ah Taliska Ciidammada Degdegg ah Oo Bariga Afrika ka Socda u xil ka saaran yahayย inay Burundi ka taageeraan sidii nabad loogu soo afjari lahaa xasarrad dalkooda ka aloosan.

Waxaa sidoo kale maanta qabsoomey shirkii 55-aad ee aan caadiga ahayn wasiiradda arrimaha dibedda ee IGAD, kaas oo ay kaga hadleen arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan, iyagoo soo dhoweeyay horumarka dhanka siyaasadda ee somalia ay ku talaabsatey dhowaan.

Guud ahaan Shir Madaxeedka Midowga Afrika waxaa si weyn u hareeyay xasaradaha ka aloosan Burundi iyo Koonfuurta Suudaan.

Dowladda Burundi ayaa gebi ahaanba diiddan in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo dalkeeda.

Halka dhanka Koonfuurta Suudan weil la dhowrayo in la soo dhiso dowlad KMG oo ay ku wada jiraan dhinacyada dalkaasi isku haysta.

1 2 3

Previous Post

Gudoomiyaha Baarlamanka Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray deegaanka Docolleey+Sawirro

Next Post

Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika

Next Post
Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika

Daawo Sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley furitaanka Shir Madaxeedka 26-aad ee Midowga Afrika

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika oo shir ku yeeshay Muqdisho

September 9, 2026
0

Hoggaamiyeyaasha ururrada shaqaalaha ee ka kala socda dalalka Geeska Afrika ayaa maanta isugu yimid Muqdisho, iyadoo la furay Shirka Golaha...

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐€๐ค๐š๐๐ž๐ž๐ฆ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐‡๐จ๐ ๐ ๐š๐š๐ฆ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง

September 9, 2026
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ah Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shir muhiim ah la qaatay Guddiga Sare iyo Maamulka...

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

Wasiirka Amniga Gudaha oo ka qeybgalay Madasha Caalamiga ah ee Amniga ee Lianyungang

September 9, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka qeybgalay furitaanka Madasha Caalamiga ah...

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta

September 8, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In