Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

M.weyne xasan sh:Dowladdu Wey Taageerysaa dhammaan Baarlamaanada Maamulada Dalka”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
M.weyne xasan sh:Dowladdu Wey Taageerysaa dhammaan Baarlamaanada Maamulada Dalka”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

M.weynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Md Xasan Shiikh Maxamuud ayaa caawa casho sharaf u sameeyay xubno ka socday baarlamaanka cusub ee Galmudug kuwaas oo howla shaqo u jooga magaalada muqdisho.

Kulan cashada ah ayaa waxaa ka qeygalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo mudanayaal ka tirsan baarlamaanka galmudug

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Galmudug Cali Gacal ayaa ugu horreyntii ka mahadceliyay sida dowladda dhexe ee soomaaliya ay garab istaagtay dhismaha dowlad gobaleedka galmudug.

Mudane  Gacal ayaa sheegay in baarlamanka soomaaliya uu gacan ka siiyay baarlamanka cusub ee galmudug diyaarinta xeer hoosaadka uu yeelanayo baarlamanka maamulku,haatanna ay howlahaasi wali ka gacansiinayaan.

Afhayeenka baarlamaanka soomaaliya Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay howsha quruxda badan ee uu soo qabtay baarlamaanka dowlad gobaleedka galmudug isagoo xusay in ay ka gacansiiyanaa taageero walba oo ay baarlamaankaasi uga baahanyihiin baarlamanka soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane xasan Sh Maxamuud oo kulanka ka hadlay ayaa kula dardaarmay mudanayaasha baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Galmudug in ka shaqeeyaan Cadaaladda iyo hormarinta dhameystirka dhismaha maamulkaasi, si mideysanna uga soo horjeestaan wax kasta oo hagal daacin kara hormarka deegaanka iyo dowladnimada.

M.weyne Xasan Sh Maxamuud ayaa kulanka ka sheegay in dowladda Soomaaliya ay taageereyso dhamaan baarlamaanada maamulada ka dhisan dalka iyo kuwa dhismayaba sid dalku u gaaro horumar iyo barwaaqa waarta.

M,weynaha ayaa ugu dambeyn ku boorriyay shacabka soomaaliyeed in la iscafiyo loona wada guntado sidii looga wada shaqeyn lahaa hormarka iyo midnimada soomaaliya.       IMG_0006 IMG_0007 IMG_0008 IMG_0009 IMG_0010 IMG_0011 IMG_0012 IMG_0015 IMG_0016 IMG_0017 IMG_0018 IMG_0019 IMG_0021 IMG_0023 IMG_0028 IMG_0031 IMG_0038 IMG_0042 IMG_0043 IMG_0044 IMG_0045 IMG_0046 IMG_0047 IMG_0048 IMG_0049 IMG_0051

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Ciidanka Xoogga oo ku sii jeeda Deegaannada Alshabaab ay ku sugan yihiin

Next Post
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM oo raashin gaarsiiyay Buulo-barde

Ciidanka Xoogga oo ku sii jeeda Deegaannada Alshabaab ay ku sugan yihiin

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In