Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diirran ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, iyo Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharma El Sheikh ee Dalka Masar uga soo qeybgalay shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta oo shalay ka furmay Dalka Masar.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Shirkaasi ka jeediyay Qudbad uu kaga hadlayay horumarka Soomaaliya ay ka sameeyay dhinacayada Siyaasadda, Ammaanka iyo Dhaqalaha.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa dalka Masar kulamo gaar gaar ah la qaatay hoggaamiyeyaasha wadamada carabta ee ka soo qeybgalay shirkaasi iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon.
Sawir Qaade: C/qaadir Maxamed Xasan “Timoos”