Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee gudniinka Fircowniga oo Muqdisho laga xusay+sawirro

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ah ee gudniinka Fircowniga oo Muqdisho laga xusay+sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadani oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka Fircowniga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Dowladda Soomaaliya,Gaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka,Senator SamSam Daahir iyo marti sharaf kale,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan muhiimadda ay u leedahay gabdhaha in cirirtiro caadada gudniinka fircowniga ah.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Sahro Cali Bare oo ah u qaabilsanahay mashruuca ka hortagg agudniinka Fircowniga ee wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa fah faahisay tirade dumarka haatan la dhiban gudniinkai guud ahaan dunida.

“Een dunida maanta oo kale 6 February waxaa laga xusaa gudniinkan,ku dhawaad 120 ilaa 140 Milyen  ayaa hadda  la dhibaatoonaya gudniinka Fircowniga guud ahaan caalamka,sida halkani ay dhibaato ugu jiraan 3 Milyen oo kale,sida ay xaqiijisay hay’adda Caafimaadka aduunka”. Ayay tiri Sahro.

Agaasimaha guud ee Wasaaradad Haweenka iyo Xuquuqulinsaanka Soomaaliya Deeq Suleymaan Yuusuf iyo Senator SamSam Daahir oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muhiimad gaar ah la siin doono sharciga ka hortagga gudniinka fircowniga,si uu baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ay u meel mariyaan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa siweyn uga hadashey dhibaatooyinka haweenku ay ku qabaan gudniinka Fircowniga ah.

“Gudniinkan waa caadi aad u fol xun oo gabdhahayna aad ugu silcaan oo markii ay weynaadaan ay ka qaadaan Trumo ama mark ay umulayaan ay dhibaatooyin kala kulmaan iyo guud ahaan nolosha hooyo nimo,waan ognahay in culimadu ay ka hadashey in Diintu aysan raad ku lahayn gudniinkani,marka waa dhibaato”. Ayaya tir Wasiir Fowsiyo.

Maanta oo kale ayaa guud ahaan caalamku waxaa loo asteeyey xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga gudniinka fircowniga ah,waxaana la qabtaa xiliyadan oo kale olole ballaaran oo looga wacyigelinayo bulshooyinka caalamka qatarka gabdhaha ay kala kulmaan gudniinkani.

Previous Post

Wasiirka Waxbarashada XFS oo dhagax dhigay iskuulka sare Degmada Howlwadaag “SAWIRRO”

Next Post

Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho “SAWIRRO”

Maalinta Caalamiga ah ee Gudniinka Fircowniga oo laga xusay Muqdisho "SAWIRRO"

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In