Saturday, February 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 months ago
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed ee si joogto ah ula tacaalaya abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee ka dhasha isbeddelka cimilada.

Dhacdooyinka cimilo-xumada ee soo noqnoqda ayaa si weyn u saameeyay nolosha shacabka, iyagoo sababay barakac gudaha ah, luminta nolol-maalmeedka, iyo khilaafaad ku saleysan kheyraadka dabiiciga ah sida biyaha iyo daaqa. Ereyga masiibo waa mid si dhab ah ugu habboon xaaladda, maaddaama cawaaqibka isbeddellada cimiladu ay yihiin kuwo degdeg ah iyo kuwo muddo fogba leh, gaar ahaan kuwa saameeya bulshada ugu nugul.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026

Inkasta oo ay muhiim tahay in la bixiyo gargaar bani’aadamnimo marka masiibo dhacdo, haddana waxaa ka muhiimsan in la diyaariyo qorshe horudhac ah oo lagu yareynayo khasaaraha, sida maalgelinta khatarta masiibooyinka (Disaster Risk Financing). Soomaaliya gudaheeda waxaa hadda socda dadaallo lagu tijaabinayo qalabyo kala duwan oo noocan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin caymiska Islaamiga ah (Takaful), oo noqon kara aalad muhiim ah oo wax ka beddeli karta qaabka loo wajaho masiibooyinka.

Sidoo kale, dhismaha adkeysiga bulshada iyo yareynta saameynta masiibooyinka waxaa lagu dhex daray qorsheynta iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee dalka. Tani waa talaabo muhiim ah oo u gogol xaaraysa mustaqbal adkeysi leh oo lagu yareynayo khatarta masiibooyinka dabiiciga ah.

Hay’adda African Risk Capacity (ARC) Group ayaa ka shaqeysa sidii ay u taageeri lahayd bulshooyinka ay abaartu saameysey, halka mashruuca Bangiga Adduunka ee De-risking, Inclusion, and Value Enhancement of Pastoral Economies in the Horn of Africa (DRIVE) uu bulshada reer guuraaga Soomaaliyeed siinayo caymis xoolo la xiriira cimilada. Mashruucani wuxuu kaalin muhiim ah ka qaataa yareynta khatarta dhaqaalaha iyo kordhinta awoodda bulshada ee la qabsiga isbeddelka cimilada.

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Liban Obsiye ayaa sheegay in Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada uu xoogga saarayo qorshayaasha iyo istaraatiijiyadda xal u heliyadda saameeynta ka dhasha arrimaha cimilada iyo habka Soomaaliya uga faa’iidaysan karto cimillada Maaliyadda ee wax ku ool ah.

Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya (National Climate Fund- NCF) waxa uu kala shaqaynayaa saaxiibada caalamiga ah, bah-wadaagta horumarinta in xogga la saaro maalgelin ballaaran oo lagu xoojinayo maalgelinta khatarta masiibooyinka (Disaster Risk Financing) iyo taageeridda xeeladaha adkeysiga ee ay bulshadu hoggaaminayso. Tani waa maalgelin mug leh oo kor u qaadaysa nabadda, horumarka iyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed.

 

Previous Post

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐌𝐅 𝐨𝐨 𝐒𝐨𝐨 𝐒𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐢𝐱𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐊𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐊u𝐥𝐚𝐧 𝐚𝐲 𝐘𝐞𝐞𝐬𝐡𝐞𝐞𝐧 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 𝐈𝐌𝐅

Next Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Next Post
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ku heshiiyay xoojinta xiriirka labada Dowladood

February 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Cumar, ayaa kulan la qaatay Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibadda...

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

February 28, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 g𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐆𝐚𝐥𝐦𝐮𝐝𝐮𝐠 𝐬𝐢 𝐮𝐮 u x𝐨𝐨𝐣𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐦𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚

February 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, si uu...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS oo Jiddah uga qeybgalay kulanka Ururka Iskaashiga Islaamka

February 27, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Mudane Cali Maxamed Cumar ayaa Magaalada Jiddah uga kulan looga hadlaayay qodobbo dhowr ah oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In