Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
12 months ago
in Wararka
0
Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka oo laga xusay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo caalamku maanta u xusaysaa Maalinta Caalamiga ah ee Yareynta Khatarta Masiibooyinka, Soomaaliya waxay xusaysaa adkeysiga iyo geesinimada bulshada Soomaaliyeed ee si joogto ah ula tacaalaya abaaraha, fatahaadaha iyo masiibooyinka kale ee ka dhasha isbeddelka cimilada.

Dhacdooyinka cimilo-xumada ee soo noqnoqda ayaa si weyn u saameeyay nolosha shacabka, iyagoo sababay barakac gudaha ah, luminta nolol-maalmeedka, iyo khilaafaad ku saleysan kheyraadka dabiiciga ah sida biyaha iyo daaqa. Ereyga masiibo waa mid si dhab ah ugu habboon xaaladda, maaddaama cawaaqibka isbeddellada cimiladu ay yihiin kuwo degdeg ah iyo kuwo muddo fogba leh, gaar ahaan kuwa saameeya bulshada ugu nugul.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026

Inkasta oo ay muhiim tahay in la bixiyo gargaar baniโ€™aadamnimo marka masiibo dhacdo, haddana waxaa ka muhiimsan in la diyaariyo qorshe horudhac ah oo lagu yareynayo khasaaraha, sida maalgelinta khatarta masiibooyinka (Disaster Risk Financing). Soomaaliya gudaheeda waxaa hadda socda dadaallo lagu tijaabinayo qalabyo kala duwan oo noocan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin caymiska Islaamiga ah (Takaful), oo noqon kara aalad muhiim ah oo wax ka beddeli karta qaabka loo wajaho masiibooyinka.

Sidoo kale, dhismaha adkeysiga bulshada iyo yareynta saameynta masiibooyinka waxaa lagu dhex daray qorsheynta iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee dalka. Tani waa talaabo muhiim ah oo u gogol xaaraysa mustaqbal adkeysi leh oo lagu yareynayo khatarta masiibooyinka dabiiciga ah.

Hayโ€™adda African Risk Capacity (ARC) Group ayaa ka shaqeysa sidii ay u taageeri lahayd bulshooyinka ay abaartu saameysey, halka mashruuca Bangiga Adduunka ee De-risking, Inclusion, and Value Enhancement of Pastoral Economies in the Horn of Africa (DRIVE) uu bulshada reer guuraaga Soomaaliyeed siinayo caymis xoolo la xiriira cimilada. Mashruucani wuxuu kaalin muhiim ah ka qaataa yareynta khatarta dhaqaalaha iyo kordhinta awoodda bulshada ee la qabsiga isbeddelka cimilada.

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Liban Obsiye ayaa sheegay in Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada uu xoogga saarayo qorshayaasha iyo istaraatiijiyadda xal u heliyadda saameeynta ka dhasha arrimaha cimilada iyo habka Soomaaliya uga faaโ€™iidaysan karto cimillada Maaliyadda ee wax ku ool ah.

Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya (National Climate Fund- NCF) waxa uu kala shaqaynayaa saaxiibada caalamiga ah, bah-wadaagta horumarinta in xogga la saaro maalgelin ballaaran oo lagu xoojinayo maalgelinta khatarta masiibooyinka (Disaster Risk Financing) iyo taageeridda xeeladaha adkeysiga ee ay bulshadu hoggaaminayso. Tani waa maalgelin mug leh oo kor u qaadaysa nabadda, horumarka iyo badbaadada bulshada Soomaaliyeed.

 

Previous Post

๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐๐š ๐ˆ๐Œ๐… ๐จ๐จ ๐’๐จ๐จ ๐’๐š๐š๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐–๐š๐ซ๐›๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐ก๐š๐ช๐š๐š๐ฅ๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š, ๐Š๐š๐๐ข๐› ๐Šu๐ฅ๐š๐ง ๐š๐ฒ ๐˜๐ž๐ž๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ง ๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐Œ๐…

Next Post

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Next Post
Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka Ururka dhexdhexaadka Adduunka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Uganda

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamaynโ€“Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In