Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Maalinta Calanka Soomaaliya 12-ka October (Maqaal)

caqiil by caqiil
6 years ago
in Maqaallo
0
Maalinta Calanka Soomaaliya 12-ka October (Maqaal)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maantoo kale 12-kii October sanadkii 1954-tii ayeey aheyd markii ugu horreeysay ee la saaray Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee Calanka Buluugga ah ee u eg samada xiddigta Shan geesoodka ahna ku leh bartamaha waa Calanka kaliya ee loo aqoonsanyahay Jamhuuriyadda Federalka Somalia.

Dalkeenna waxaa soo maray Sadex Calan kuwaas oo kala ahaa Calanka gumeystihii Talyaaniga iyo kan Ingiriiska oo jiray 1941-dii ilaa 1950-kii waxaana 1954-tii Qaramada midoobay dalkeenna ku wareejisay Talyaaniga si uu xornimo u gaarsiiyo iyadoo qaramada midoobay magacawday Sadex waddan oo dusha ka kontoroolayay  sida uu Talyaanigu u maamulayay dalkeenna,  kuwaas oo kala ahaa waddamada Masar, Colompia iyo Philibin, waxaana markaasi dalka ka jiray calanka Talyaaniga oo uu wehliyo kan Qaramada Midoobay,  qorshahaasi xornimo gaarsiinta ahna waxaa ka shaqeeyay xisbigii Leegada.

Related posts

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

Warbixin: Xubinimada EAC waxay Soomaaliya iyo Gobalkaba u horseedi doontaa waa cusub oo Rajo, Xasilooni iyo Barwaaqo

November 13, 2023
Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Muqdisho kula kulmay Wakiilada Beesha Caalamka ee Soomaaliya

December 29, 2022

Haddaba isla sanadkaasi 1954 waxaa loo baahday in la helo Calan uu yeesho dalkeenna mar haddi la helay nidaamki xornimo gaarsiinta, waxaa la soo bandhigay naqshado farabadan hase yeeshee isla sanadkaasi 12 Obtober 1954-tii maantoo kale Allaha u naxariistee  Maxamed Cawaale Liibaan oo ka tirsanaa golaha dhexe ee xisbiga Leegada ayaa jeebkiisa ka soo bixyay Calanka hadda jira ee buluugga ah.

Calankan Buluugga ah ee xiddigta ku leh bartamaha ayaa ah kan caalamka oo dhan noo aqoonsanyahay,  waana mid sharaf iyo maamuus ku leh qof kasta oo muwaadin Soomaali ah, waxaana loo soo maray halgan adag oo dhiig badan ku daatay, qiimaha, ixtiraamka, karaamada iyo jaceylka ay u qabaan ummadda Soomaaliyeed Calankeenna suubban darteed markii la garaaco Musigga astaanta u ah Calanka dadkoo dhan wey sara kacaan iyagoo taagnaada ilaa uu dhamaado muusigga astaantaCalanka.

Ma aha wax la soo koobi karo halganka adag ee waddaniyiinta Soomaaliyeed usoo galeen Calankeenna,  waxaana xusud mudan in halgankii ugu dambeeyay ee lagu difaacayo Calanka uu yahay kan imminka socda ee dalka lagaga saarayo kooxda Shabaab iyo Alqaacidda kuwaas oo iyagu diiday jiritaanka calankeenna iyo Soomaalinimadeennaba waxeyna dharaar cad meelo fagaare ah ku gubeen Calankeenna aynu Jecelnahay.

Hase yeeshee waxaa arrintaasi ka dhiidhiyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan dal iyo dibad, iyadoo malleeshiyaadkii shabaab ee doonayay in ay calan madow ku bedelaan calnkeenna sharafta leh laga saaray,  inta badan gobollada dalka, iyadoo haatan uu Calankeennu ka dulbabanayo Muqdisho iyo dhammaan gobollada dalkeenna marka laga reebo meelaha kooban oo ay wali dalka ugu harsanyihiin kooxda UGUS.

Ma aha wax qoraal oo kaliya lagu soo koobi karo jacelylka iyo karaamada uu Calankeennu ku leeyahay quluubta waddaniyiinta Soomaaliyeed meel kastoo ay ku noolyihiin.

Waa wax lagu farxo in xuska maalinta calanka ee sanadkan uu ku soo aadayo iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay dib u dayactir ku sameeysay taallooyinkii iyo xarumihii lagu xusuusan jiray calanka iyo madaxbanaanida dalka, taasoo qeyb ka ah qorshaha dowladda ee ku saleysan sare u qaadidda qiimaha calanka iyo qaranimada dalka, iyadoo ay intaasi dhinac socdaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ummadda lagu xusuusinayo taariikhda calanka, xorriyadda iyo halgankii adkaa ee loo soo maray.

Sidoo kale sanadguurada 65-aad ee ka soo wareegtay maalinta calanka ayaa ku soo beegmeeysa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo waaweyn ka gaartay la dagaallanka argagixisada, adkeynta ammaanka, iyo hirgelinta nidaamka dowladnimada, iyadoo  shacabka Soomaaliyeed ay aad ula dhaceen hannaanka maamul ee dowladda iminka jirta ee nabad iyo nolol.

W/D Mowliid Maxamed Sabriye

 

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Xaquuq siinta agoonta xoogga dalka oo ka bilaabatay Galmudug

Next Post
Xaquuq siinta agoonta xoogga dalka oo ka bilaabatay Galmudug

Xaquuq siinta agoonta xoogga dalka oo ka bilaabatay Galmudug

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In