Friday, February 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maalinta Macalinka Soomaaliyeed (MAQAAL)

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Maalinta Macalinka Soomaaliyeed (MAQAAL)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Macalin ama bare waa midka gaarsiiya bulshada himiladeeda runta ah oo ka badbaadiya bulshada uu dhexjoogo mugdiga iyo Jahliga, oo sidoo kale Gaarsiiya ummadda baraaraha cilmiga iyo aqoonta heer ka gaartay.

Hawlaha macalinka iyo shaqadiisa dhabta ah marka ay caruurta yaryari ku soo barbaaraan marka hore guriga dabadeedna ay wax ka soo kororsadaan bulshada degen xaafadooda, caruurta waxaa la geeyaa ama ay tagaan Dugsi Qur’aanka lagu barto iyo iskuulada aqoonta maadiga ah lagu barto waxayna dhexda ka galaan bulsho ka balaaran tii guriga iyo middii xaafadda ay deganayeen.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026

Sida maamul wax u kala habeeya una maamuuso dadka meesha isugu yimid oo isugu jira dad waawayn iyo kuwo yaryar oo aan wax badan garanayn una baahan turis iyo naxariis fara badan, sidoo kale waxay leedahay bulshadaan shaqaale u heelan sidii ay wax uga qaban lahaayeen wax kasta oo meesha loo yimid kuna saabsan tacliin barasho.

Waxaa kaloo bulshadaan ku jira arday oo iyagana meesh loo keenay in ay wax bartaan garaadkoodana lagu kobciyo iyo macalimiin hoga tusaleeya oo tilmaan guud iyo mid gaar ah ka bixiya aqoonta la baranayo.

Arrimaha nocaan ah ayaa saameyn  toos ah ku leh Arday kasta, Macalinkana waa hogaamiyahooda sababtuna waa xirirka tooska ah ee uu la leeyahay Ardayga iyo waalkii dhalay,  xiriirkaas waa mid  ku saabsan dhaqan toosin iyo waxbarasho, taana waxa ay keeneysaa in ardayga uu mar walba isku dayo in uu kudaydo Macalinka maadaama uu u arko in uu yahay Qof ka aqoon badan.

Sidokale Baraha ama Macalinka wuxa uu  sawir ka sii bixiyaa nooca ay noqonayaan Jiilasha soo koraya ee  Bulshada.

HEERARKA UU SOO MARAY MACALINKA

Marka aan fiirino Macalinka Somaaliyeed waxaa noo muuqanaya in uu soo maray heerar & duruuf kala duwan badankeeduna waxa ay ahayd mid aad ugu adag Macalinka Soomaliyeed  xagga shaqada & xagga xuquuqda.

Sideedana Xuquuqda macalinka waxa loo qaybiyaa laba nuuc oo kala ah:

Mid ku saabsan horumarinta aqoontiisa iyo mid kaloo iyana ku saabsan noloshiisa guud ahaneed.

Marka aan gadaal u raacno sooyaalka taarikhda waxbarashada dadka Soomaaliyeed waxaa la tilmamaa in xilligii ugu dhoweed ee Macalinka soomaaliyeed uu helo xuquuqihiisa ay aheed tobankii sano ee ugu horeysay  hanaqaadkii  xukuumaddii Kacaankii ee 21 sano dalka soo xukumayay,  taasi oo ay marag u tahay qoristii Afka Soomaaliga, Olalahii waxbarasha reer Miyiga iyo sare uqaadistii waxbarashada Ummadda Soomaaliyeed, taasi oo keentay in 21 November loo aqoonsado Maalinta Macalinka Soomaaliyeed, laguna maamuusa marka lagaaro sanad waliba.

Sidokale markii ugu liitay  xuquuqda macalinka Soomaaliyeed waxaa lagu tilmamaa intii kadambeesay burburkii dalka 1991, xiligaasi oo uusan helen xuquuqdiisa xagg nolol & xagga kobcinta aqoontiisa oo ah mid aad muhiim u ah.

Macalinka Soomaaliyeed waxuu kaalin weeyn ka qataa:

– Bedalida aragtida bulshada uu wax baraya.

– Waxuu horsedaa in bulshada ay ilaaliyaan karaamada & sharafta Macalinka iyaga oo aaminsan in macalinka uu ka mid yahay waalidka ubaxa waxbaranaya.

Baraha ama Macilinka Soomaaliyeed waxyabaha loga baahanyahay  waxaa ka mid ah:

– In uu ogaado in shaqadiisa ugu wayni ay tahay in uu bedelo habdhaqanka ardayga ugu yaraana uu ka dhigaa habdhaqan soo dhawayn kara midkiisa oo kale ama mid ka sii sara marsiisan.

– In  uu kahortago dhaqamada foosha xun ee la soo minguuriyay ee nooga yimid dunida lagu hareereysan iyo wadamada nala deriska ah.

– In uu bulshada ku gardaadiyo Aqon loo aayo, habdhaqan la tilmaansado iyo karti.

Macalinka Soomaaliyeed ee maanta ay tahay maalintii loo asteey xuskiisa iyo wanaag ku maamuuskiisa uu ogaado in ay saarantahay mas’uuliyada uga culus taasi ah inuu soo saaro bulsho Soomaaliyeed oo caafimaad qabta, lehna garaad ka sareeya midka dadyawga nala deriska ah.

Ugu Dambayntii Macalimiinta Soomaaliyeed waxaan u rajeyneeynaa barwaaqo iyo horumar waaro insha Allaah.

Previous Post

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumeysiga gobolka Banaadir

Next Post

Maxkamadda racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq

Next Post
Maxkamadda racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq

Maxkamadda racfaanka oo mar kale dhageysaneysa dacwad la xariirta musuq-maasuq

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo shir guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay.

February 13, 2026
0

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

AU “Ma jirto cid awood u leh inay wax ka beddelaan qaab-dhismeedka dhuleed ee Soomaaliya”

February 13, 2026
0

Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa maalinimadii shalay cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland,iyagoo ku dhawaaqay in tallaabadaasi ay...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫e 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐚𝐥𝐟𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐮𝐠𝐠𝐚 “𝐁𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐨𝐨𝐛𝐤𝐢𝐢 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚”

February 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa ka qaybgalay Baalfurka Buugga “Baadigoobkii Nabadda Geeska Afrika”,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Ingiriiska

February 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay wafdi sare oo ka socday Boqortooyada Ingiriiska oo ay hoggaaminaysay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In