Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamul u sameynta degmada Balcad oo laga hadlay”SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Maamul u sameynta degmada Balcad oo laga hadlay”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaaha Gudaha iyo Federaalka oo uu hogaaminayo Agaasimaha xiriirka ee Wasaaradda Mudane Cabdifataax Cali Xasan ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ujeedada Wafdiga ayaa aheyd in ay ka sameeyaan degmada Balcad wacyigelin ku aadan dhismaha golaha deegaanka ee degmada Balcad.

Xaflad balaaran oo lagu qabtay Xarunta degmada Balcad ayaa waxaa lagu furey qorshaha wacyigelinta ah oo ay wadaan mas’uuliyiinta ka tirsan Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka kaas oo ay ka qeybgaleen qeybaha bulshada oo ku nool degmadaasi.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Agaasime Cabdifataax oo furay kulanka ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay qorshaha maamul sameynta iyo habraaca maamulada iyadoo maamulka iyo bulshada ku dhaqan degmada Balcad ay si weyn u soo dhaweeyeen hindiaha Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Canab Axmed Ciise oo ah agaasimaha horumarinta dowladda wanaaga oo kulanka ka hadashay ayaa sheegay in dadka Balcad degan ay yihiin dad ay ka go’an tahay in ay sameystaan maamulka degmadooda.

Dhanka kale ku simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku xigeenka degmada Balcad ayaa dhankiisa soo dhaweeyay qorshaha wasaaradda una hambalyeeyay Wasaaradda Arrimaha gudaha dadaalka ay ku hormarinayso degmooyinka dalka.

slogan

DSC03497

DSC03465

DSC03497

slogan

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasiirka Difaaca Oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin dadkii ka barakacay Dagaalkii Guriceel “Sawirro”

Next Post
Wasiirka Difaaca Oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin  dadkii ka barakacay Dagaalkii Guriceel “Sawirro”

Wasiirka Difaaca Oo kormeer ku tagey goobo ay dagan yihiin dadkii ka barakacay Dagaalkii Guriceel "Sawirro"

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In