Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulada Dugsiyada Waxbarashada Ee Dowladda Oo La Faray Inaysan Dhaqaale Ka Qaadin Ubadka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Maamulada Dugsiyada Waxbarashada Ee Dowladda Oo La Faray Inaysan Dhaqaale Ka Qaadin Ubadka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa maanta kormeer uu ugu kuur galayo hannaanka shaqo iyo tayada Waxbarashada ay bixiyaan ku tagay dugsiyada hoostaga Wasaaradda Waxabarashada kuna yaalla caasimada Muqdisho ee kala ah, dugsiga gabdhaha Agoonta ee Boondheere, iskuulka Bartamaha, dugsiga 20-ka December, 21-ka Octobar, iskuul Jabuuti iyo Yaasiin Cismaan oo dhammaantood waxbarasho bilaash ah siiya kumanaan ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa mid mid u booqday Fasallada, dhismayaasha hoyga ee lagu xannaaneeyo caruurta agoonta ah iyo qeybaha maamulka ee dugsiyada, waxa uuna kula dardaarmay maamuladda iskuulaada in ay muhiimad gaar ah siiyaan barbaarinta ubadka, iyada oo xoogga la saarayo in caruurta si wanaagsan loo baro diinateenna suuban ee Islaamka.

Related posts

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
Ururka Iskaashiga Islaamka oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

January 2, 2026

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku bogaadiyay maamulada iyo macallimiinta iskuulada dhabar adeygooda iyo sida ay u barbaarinayaan mustaqbalka dalka, asiga oo faray in aan wax dhaqaale ah laga qaadin Ardeyda wax ka barata dugsiyada ay maamulaan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in dhawaan Wasaaraddu ay soo saaridoonto amar ku aaddan arrintaasi.

Dhankooda maamulada iyo Macallimiinta dugsiyada ayaa wasiirka uga mahadceliyay booqashadiisa iyaga oo la wadaagay warbixino dhammeystiran oo ku aadan hannaanka shaqo ee dugsiyada, caqabadaha ay la kulmaan iyo hiigsigooda dabar goynta jahliga.

Kormeerkan waxaa ku wehliyay wasiirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Maxamed Caabbi Xasan.

Previous Post

Ciidamada XDS Oo La Wareegay Deegaanka Labi-dulle

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay martiqaad uu u sameeyay madaxweynaha Mareykanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay martiqaad uu u sameeyay madaxweynaha Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay martiqaad uu u sameeyay madaxweynaha Mareykanka

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
0

Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta...

Ururka Iskaashiga Islaamka oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

Ururka Iskaashiga Islaamka oo garab istaag u muujiyay Soomaaliya

January 2, 2026
0

Guddiga Fulinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa kulan la xiriiray dardargalinta howlaha ururka iyo la socodka xaaladda Dalka Soomaliya...

Ethiopian Air Force says it killed 35 Al-Shabab militants in Somalia

Maskaxdii Qaraxyada Khawaarijta oo lagu dilay howlgal qorsheysan

January 1, 2026
0

Saaxiibada caalamka oo kaashanaya Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal bartilmaameed ah oo 10-kii bishii December ay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo soo xiray shirka Machadka Heritage ee lagu qabtay Dhuusamareeb

January 1, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo xiray shirka Machadka Heritage ee ka socday magaalada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In