Wednesday, March 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulada Dugsiyada Waxbarashada Ee Dowladda Oo La Faray Inaysan Dhaqaale Ka Qaadin Ubadka Soomaaliyeed

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Maamulada Dugsiyada Waxbarashada Ee Dowladda Oo La Faray Inaysan Dhaqaale Ka Qaadin Ubadka Soomaaliyeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa maanta kormeer uu ugu kuur galayo hannaanka shaqo iyo tayada Waxbarashada ay bixiyaan ku tagay dugsiyada hoostaga Wasaaradda Waxabarashada kuna yaalla caasimada Muqdisho ee kala ah, dugsiga gabdhaha Agoonta ee Boondheere, iskuulka Bartamaha, dugsiga 20-ka December, 21-ka Octobar, iskuul Jabuuti iyo Yaasiin Cismaan oo dhammaantood waxbarasho bilaash ah siiya kumanaan ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa mid mid u booqday Fasallada, dhismayaasha hoyga ee lagu xannaaneeyo caruurta agoonta ah iyo qeybaha maamulka ee dugsiyada, waxa uuna kula dardaarmay maamuladda iskuulaada in ay muhiimad gaar ah siiyaan barbaarinta ubadka, iyada oo xoogga la saarayo in caruurta si wanaagsan loo baro diinateenna suuban ee Islaamka.

Related posts

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026

Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku bogaadiyay maamulada iyo macallimiinta iskuulada dhabar adeygooda iyo sida ay u barbaarinayaan mustaqbalka dalka, asiga oo faray in aan wax dhaqaale ah laga qaadin Ardeyda wax ka barata dugsiyada ay maamulaan, sidoo kale Wasiirka ayaa tilmaamay in dhawaan Wasaaraddu ay soo saaridoonto amar ku aaddan arrintaasi.

Dhankooda maamulada iyo Macallimiinta dugsiyada ayaa wasiirka uga mahadceliyay booqashadiisa iyaga oo la wadaagay warbixino dhammeystiran oo ku aadan hannaanka shaqo ee dugsiyada, caqabadaha ay la kulmaan iyo hiigsigooda dabar goynta jahliga.

Kormeerkan waxaa ku wehliyay wasiirka, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada mudane Maxamed Caabbi Xasan.

Previous Post

Ciidamada XDS Oo La Wareegay Deegaanka Labi-dulle

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay martiqaad uu u sameeyay madaxweynaha Mareykanka

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay martiqaad uu u sameeyay madaxweynaha Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheikh oo ka qeyb galay martiqaad uu u sameeyay madaxweynaha Mareykanka

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

March 4, 2026
0

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

March 4, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si...

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

March 4, 2026
0

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra'iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir...

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

Tartamayaasha Gaalkacyo oo caawa u gudbay wareegga Labaad ee tartanka ”SAWIRRO”

March 3, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In