Maamulka Degmada Caabudwaaq oo ay wehliyaan Cullimaa’udiin, Odayaasha dhaqanka , Haweenka Degmada iyo Masuuliyiin kale ayaa Deegaano hoos yimaada Degmada Caabudwaaq waxaa ay ku booqdeen qoysas farabadan oo Reer guuraa Xoola dhaqata ah oo dhawaan hayaan ku yimid deeegaanka si ay xoolahooda u daajiyaan daaqa ka soo baxay roobkii dayrta oo curasha ka sameeyay nawaaxiga Caabudwaaq.
Bulshada Caabudwaaq Maamulka degmada iyo Mas’uuliyiinta ku wehlisay Kormeerka ayaa 130 Qays oo ah Dadkii usoo Roob Raacay deegaanada Degmada Caabudwaaq waxaa ay gaarsiiyeen Deeq isugu jirta Raashin, Bacaha laga hoos galo Roobka iyo Qoraxda iyo booyado biyo ah.
Deegaanada Bali-Sonkar. Dhiil-tare. Dafle iyo Hul-kujir oo kamid ah meelaha ay dadkaan ka Dageen Suudda naqa Roobka dayrta oo dabayaaqadii bishii na dhaaftay ee Oktoobar ka curtay ayaa lugu Gaarsiiyey Taakuladaan.
Dadkan soo Hayaamay oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa Ka warbixiyay deegaanada ay ka soo roob raaceen waxaana ay ka mahadcehseen taakuladan la soo gaarsiiyay.
Maamulka degmada Caabydwaaq iyo Odayasha dhaqanka iyo Mas’uuliyiinta kalaba ayaa Baaq u diray bulshada deegaanka in ay taakuleeyaan Dadkaan Deegaankòodii abaartu ka keentey.