Tuesday, April 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka deegaanka Jaziira oo ka warbixiyey qarax miino oo ka dhacay xeebta deegaankaas “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Maamulka deegaanka Jaziira oo ka warbixiyey qarax miino oo ka dhacay xeebta deegaankaas “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho Xuseen Jilicow Aadan oo ka warbixiyey qarax miino oo ka dhacay xeebta deegaankaas, ayaa sheegay in uu falkaasi ku dhintay askari ka mid ah kuwa ilaalada ka ah bar-koontarool oo laga galo xeebta Deegaanka Jaziira.

Xuseen Jilicow ayaa xusay in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu  aaso oo la geliyay meel u dhaw koontaroolka ciidanka, waxaana uu intaa ku daray in howlgallo ay ciidamada sameeyen gacanta lagu soo dhigay labo qof oo lala xiriirinayo falkaasi, kuwaasi oo uu sheegay inay ku socoto baaritaanno dheeraad ah.

Related posts

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026

“Saaka shantii saac ayaa goob ay ciidamada ka ilaaliyaan amniga deegaanka oo ku yeela Baqal iyo Xawaaloow ayaa waxa lagu qarxiyay miino oo la geliyay dhulka, hal askari ayaa nooga shahiiday, wax dhaawac ahna ma jiraan, Ilaahey ha u naxariisto askari dhintay isaga oo gudanaya difaaca dalkiisa ayuu dhintay” ayuu yiri Guddoomiye Xuseen Jilicow.

Guddoomiyaha Deegaanka Jaziira ayaa xusay in ciidamada ay joogteynayaan howlgallada ciidamada ku xaqiijinayaan Nabadgelyada deegaanka Jaziira, isagoo intaa ku daray inaysan ka niyad jebi doonin dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Previous Post

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Ganacsiga oo arday qalin badalatay ku booriyay inay la yimaadaan hal abuur wax u tara dadka iyo dalka “SAWIRRO”

Next Post

Haween cambaareeyay duqeyntii Kenya ee Gedo, codsadayna in Kenya sharciga lala tiigsado “SAWIRRO”

Next Post
Haween cambaareeyay duqeyntii Kenya ee Gedo, codsadayna in Kenya sharciga lala tiigsado “SAWIRRO”

Haween cambaareeyay duqeyntii Kenya ee Gedo, codsadayna in Kenya sharciga lala tiigsado “SAWIRRO”

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

April 7, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan...

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay  Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka

April 6, 2026
0

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kormer ku tegay xarunta (AUSSOM) ee Baydhabo

Somalia Defence Minister Visits AUSSOM Sector 3

April 6, 2026
0

The Minister of Defence of the Federal Government of Somalia, H.E. Ahmed Moallim Fiqi, visited the headquarters of Sector 3...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In