Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro Isbitaalka Guud ee magaalada

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Gaalkacyo oo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro Isbitaalka Guud ee magaalada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Duqa Dagmada Gaalkacyo mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo ay wehliyaan Howlwadeenno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa kormeer ku aadan la socodka adeegyada caafimaad ee ay u baahi qabaan bulshada Degmada Gaalkacyo ku tagay isbitaalka weyn ee magaalada, kaas oo maalmihii u danbeeyay la soo gaarsiiyay bukaanno farabadan lagana kala keenay deegaanno kala duwan oo ka tirsan Goballada dhaxe ee dalka iyo qaar ka mida kuwa dhulka ismaamulka Soomaali Galbeed Ethiopia.

Duqa degmada Gaalkacyo ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu booqday qeybaha kala duwan ee isbitaalka, waxaana intii uu kormeerka ku guda jiray warbixino la xariira howlaha shaqo ee isbitaalka, xaaladda bukaanada isbitaalka ku jira ka dhageeystay dhakhaatiirta iyo howlwadeenada caafimaad ee isbitaalka

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Isku duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee Degmada Gaalkacyo Dr Cabdikariim Abshir Ciise oo kormeerka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in isbitaalka ay ka jirto daawo yari, loona baahanyahay in laga jawaabo.

Duqa Dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan ayaa isna sharaxaad buuxda ka bixiyay culeysyada adeegyada caafimaad ee ka jira isbitaalka, isagoo dhanka kalana baaq u diray Hay’adaha ka shaqeeya Caafimaadka, Dowladda Fadaraalka, Ganacsatada iyo Qurba joogta deegaanka inay wax ka qabtaan baahiyaha ka jirta Isbitaalka guud ee magaalada.

Previous Post

Guddiga Kheyraadka BJFS oo kulan ku yeeshay xafiiska guddiyada ee Villa Hargeysa

Next Post

Wajiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
Wajiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta oo lagu qabtay Muqdisho

Wajiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In