Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wajiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta oo lagu qabtay Muqdisho

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Wajiga Labaad ee Wadatashiga Diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta oo lagu qabtay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqankan iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska DFS, mas’uuliyiin isagu jirtay  Agaasimeyaasha guud, agaasimeyaasha Waaxyaha Wasaaradaha Warfaafinta ee dowlad Gobaleedyada, agaasimaha guud ee Warfaafinta gobalka Banaadir iyo khuburro fududeynayay shirka.

Kulanka waadatashiga ayaa mas’uuliyiinta ka qeyb gashay waxa ay uga doodeen Istaraatijiyadda Warbaahintau iyo Wada xiriirka (National Communication strategy) iyo kaalinta Dowlad goboleedyada iyo gobolkaBanaadir.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo furitaanka kulanka ka hadlay ayaa sheegay in  wajiga Labaad ee wadatashiga diyaarinta  Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta Iyo Wada-xiriirka uu ahaa mid u gaar ah dowlad gobaleedyada Iyo gobalka Banaadir si loo dhegeysto aragtidooda, waxa ay ku darayaan qoritaanka istaraatiijiyadda, si uu u soo baxo dukuminti dhameystiran oo ka jawaabaya baahida hey’adaha dowladda heerarkooda kala duwan.

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa wadatashigan kii ka horeeyay ka talo galisay hay’adaha dowladda Federaalka iyo bulshada rayidka, waxa qorshaha yahay in la dhameystiro dhammaadka bisha Luulyo ee soo aaddan, si  hay’adaha dowladda heerarkooda oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u dhaqan galiyaan loona helo farriimo mideysan oo ka tarjumaya hawl qabadka dowladda heerarkeeda iyo u sahlidda madallo ay dowladda iyo dadweynaha ku wada hadlaan.










Previous Post

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo ku baaqay in gurmad lala soo gaaro Isbitaalka Guud ee magaalada

Next Post

The Somali Government strongly condemns the terrorist attack on Saturday at the Mpondwe/Lubiriha Secondary School in Kasese District

Next Post
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

The Somali Government strongly condemns the terrorist attack on Saturday at the Mpondwe/Lubiriha Secondary School in Kasese District

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In