Friday, March 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka Degmada Gaalkacyo oo ku guuleystay dib u habeynta goobihii biyo fadhiisadka ahaa

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Maamulka Degmada Gaalkacyo oo ku guuleystay dib u habeynta goobihii biyo fadhiisadka ahaa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dadaalka Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo Galmudug ee ku aadan furista biyo mareenada waxay keentay in goobo badan oo ay biyuhu ku hakan jireen ay ka gudbaan sida garoonka Kubadda cagta ee Cabdullaahi Ciise oo roobabkii da’ay aysan wax saameeyn ah ku yeelan garoonka iyo xaafadihii ka agdhawaa,  kuwaas oo xilli roobaadkii deyrta ay ka barakiciyeen daadadka roobku boqalaal qoysas ah.

Qaar ka mida qoysaska dagan agaagaarka garoonka oo aan wax ka weydiiyay saameeynta ay ku yeesheen roobabkii da’ay saacadihii u danbeeyay ayaa sheegay in aysan wax saameeyn ah ku yeelan iyagoo xusay in furista Waadigii garoonka ay keentay in aysan ku hakan biyihii ka soo rogmaday magaalada

Related posts

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026

Ugu danbeyn Maamulka Dagmada Gaalkacyo ayey uga mahadceliyeen dadaalka iyo ka hortagista dhibaatooyinkii ay xaafadahooda u geysan jireen daadadka ka dhasha fatahaadaha roobabka

Maamulka Dagmada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa wali ku howlan sidii meel kasta oo magaalada ka mid ah aysan saameeyn ugu yeelan roobabka Gu’ga, iyagoo ka codsaday shacabka Gaalkacyo in ay la shaqeeyaan howlwadeennada Dowladda Hoose ee ku guda jira badbaadinta bulshada iyo badqabkooda

Previous Post

Wasiir kuxigeenka Cadaaladda XFS oo daahfuray Shir Wadatashi ah oo ku saabsan hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed.

Next Post

Taliyaha Hay’adda NISA oo ciidamada ku booriyay inay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Next Post
Taliyaha Hay’adda NISA oo ciidamada ku booriyay inay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Taliyaha Hay’adda NISA oo ciidamada ku booriyay inay dardargeliyaan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

Hay’adda SoDMA oo howlo biyo dhaamin ah ka wado deegaanno hoostaga Baydhabo

March 20, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed, isla markaana ku guda jirta Todobaadka Gurmadka...

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

March 20, 2026
0

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa saakay si...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

March 20, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

March 20, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta munaasabadda Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In